Aroos-wadareed mar kaliya loo qabtay 2,500 lammaane oo ka kala socda 50 waddan + [SAWIRRO+VIDEO]

Seoul, 27 March, 2012 (SLpost)- Munaasibad aroos-wadareed oo aan weli hore uga dhicin dunida ayaa la isugu keenay 2,500 lammaane oo kala kala socday 50 waddan kuwaas oo isku guursaday Kiniisad ku taala dalka Koonfurta Kuuriya.

Munaasibaddan ballaadhan oo ay ka soo qayb-galeen 15,000 qof oo marti u ahaa lammaanayaasha is-aroostay, waxa lagu qabtay garoon-kubadadeed ku yaala magaalada Gapyeong oo 50 Mayl dhinaca Woqoogi-Bari ka xigta magaalada Caasimadda ah ee Seoul.

Marka laga yimaaddo 2,500 lammaane ee munaasibadda loo sameeyey, 2,700 lammaane oo kale ayaa isla wakhti is-guursaday kuwaas oo khadka internetka kula xidhiidhay iyaga oo ku sugan dalalkooda, sida uu sheegay afhayeen u hadlay kiniisadda soo qaban-qaabiysay munaasibaddan.

“Aroos-wadareeyadani waxa u jihaynayaan bani’aadamka inay mid kaliya noqdaan, taas oo meesha ka saaraysa xuduudaha kala soocaya Bulshooyinka, Diimaha iyo Jinsiyada,” waxa sidaa yidhi Seuk Joon-ho oo ka tirsan Kiniisaddan ku taala dalka Koonfurta Kuuriya.

 HALKAN KA DAAWO

SOMALILANDPOST.NET