“Arinta Musharaxnimada madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye ma jirto balan noo dhaxaysay aniga iyo Muuse Biixi habayaraatee”

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay inaanu jirin heshiis u dhexeeyey isaga iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo ku aaddan murashaxnimada madaxweynaha ee Xisbiga.

“Arinta Musharaxnimada madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye ma jirto balan noo dhaxaysay aniga iyo Muuse Biixi habayaraatee”Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay inuu mar kale u sharraxan yahay madaxweninimada dalka isla markaana uu soo dhawaynayo cid kasta oo tartan kula gasha xisbiga gudihiisa, isaga oo ku dooday in sharciga dalka iyo ka xisbiga lagu kala baxay haddiiba khilaafkii jiray lagu dhammeystiri waayey gudaha Xisbiga.

Madaxweynaha oo ka hadlayey Khilaafka Xisbiga, waxa uu yidhi, “Waxaa maalmahan soo baxayey khilaaf xisbiga kulmiye dhexdiisa ah, waan kaxumahay manaan filayn wakhtigan,  oo waxaan u haystay in aan kala reebay intii is haysay, oo weliba guddi turxaan-bixineed u saaray, taa soo suurta gelisay in shirwaynihii loo soo gebagebeeyo siquruxbadan, waxaana halkaa lagu doortay shirgudoonkii maamulayey shirka, Hogaankii Xisbiga iyadoo layslaqaatay in  Golihii dhexe iyo fulintii lagu soo ururiyo shirgudoonka shirka. Waa lagu soo ururiyey waanay soo saareen.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi, “Hadiiba uu soo baxo is-fahmi-waa, waxay ahayd in si hoose loo dhameeyo, hogaanka xisbigu wadafadhiisto, Kaadirka xisbiga loo yeedho,Xildhibaanada la talogeliyo, hadiii taasi dhamayn waayaan xisbigu sharci buuleeyahay dalkuna sharci buu leeyahay. Buuq iyo qaylo toona looma baahnayn.”

Mar uu ka hadlayey, murashaxnimada Xisbiga, waxa uu yidhi, “Arinta Musharaxnimada madaxweynaha ee xisbiga kulmiye ma jirto balan noo dhaxaysay aniga iyo Muuse Biixi habayaraatee, waxaa jirtay oo golaha dhexe soosaaray in aan gudoomiyaha kuwareejiyo marka aan kuguulaysto tartanka doorashada madaxweynaha, waxaanan ku wareejiyey bil-gudaheed.”

“Waxaa Xisbigu ii doortay musharaxa madaxweynaha waanan kuguulaystay sharciguna wuxuu I siiyey labo jeer (two terms), waan sharaxanahay diyaarbaan u ahay cidkasta oo illa tartanta.

Waxay ahaan jirtay dabeecada nidaamka dimuqraadiyadu in la tartamo balse ma dhacdo xisbi xaakin guulaystay oo xisbigiisu la tartamaa. Aniguse waxba kamaqabo,” ayuu yidhi Siilaanyo.

Ugu dambayn, waxa uu u mahad-naqay odayaasha Guurtida ee isu-xil qaamay dhex-dhexaadin garabyada Xisbiga Kulmiye, “Odayaasha Guurtida waa kumahadsanyihin dedaalka, qiimo wayna waan u hayaa, xaasha ma diidin mana diidikaro oo waxaan ahay ninkii 80 cod ay kaga kexeeyeen duco-qaado balse arintani waxay u baahantahay in xisbiga gudihiisa iyo sharcigiisa lagu daweeyo,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.