Ardayda Kulliyada Xoolaha Ee Jaamacada Burco Oo Ku Guulaystay Qaliin Ay Ku Sameeyeen Dameer Gaadhi Dhaawacay

dameer1Burco, (SLP)-   Jaamacada magaalada Burco ardayda kulliyada xanaanada xoolaha ayaa ku guulaystay qaliin ay ku sameeyeen, isla markaana lug ay kaga jareen dameer dhawaan uu gaadhi ku jiidhay magaalada Burco, kaasoo gaadhsiiyay dhaawac adinka ka naafeeyay.

dameerArdayda kulliyada xanaanada xoolaha jaamacada Burco oo dameerkan qaliin lugta kaga sameeyay ayaa ku guulaystay qaliinkaas.

Mid ka mid macalimiinta kulliyada xanaanada xoolaha wax ka dhiga oo ka hadlay hawl-galkan ay ardaydu ku sameeyeen dameerka ayaa yidhi, “Maanta waxa daaweyn qalliin ah oo Lug lagu jaray lagu sameeyay dameer uu gaadhi jiidhay , kaas oo la keenay kulliyadda xanaanada xoolaha ee Jaamacadda , waxaanay macalimiinta , ardayda iyo isu-duwaha xanaanada xoolaha ee gobolka Togdheer ku sameeyeen, qalliin kaas oo qaatay dhawr saacadood kaas oo noqday mid lagu guulaystay.”dameer2

Waa markii ugu horeysay ee qaliin noocan oo kale ah ay ardayda jaamacadaha dalka ee barta daweynta xooluhu ay sameeyaan, waana arrin dhiirigelin u ah ardaydaas iyo macalimiintii wax barayba. Sidoo kale, waa daweyn mutadawacnimo oo ardayda jaamacada Burco ka gaysteen dalkooda.dameer3

Somalilandpost.net