Ardayda Dugsiyada Hoose Oo Lacagtii Xukuumaddu ka Daysay Dib Loogu Soo Roggay

 

 

Hargeysa (SLpost):- Macalimiinta dugsiyadda  hoose dhexe ee dawliga ah  ee caasimadda Hargeysa ayaa soo celiyay lacagtii  ardayda laga qaadi jiray, taasi oo burinaysa  siyaasadii xukuumadda Somaliland bilaash kaga dhigtay waxbarashadda dugsiyadda Hoose/dhexe.

Waalidiin  kala duwan  oo  degan caasimadda Hargeysa, ayaa ayaa cabasho ka muujiyay arrintani, waxaanay sheegeen   in lacagtii (Fee)-ga  ahayd ee laga qaadi jiray ardayda dugsiyadda hoose iyo dhexe la soo celiyay. Tallaabadaasi oo  lidi ku ah  himiladdii  ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo  bilaashka kaga dhigtay waxbarashadda dugsiyadda hoose/dhexe   ee dalka.

“Waxaa carruurta lagu soo roggay muddooyin kan dambe oo  dugsiyaddu sharci ka dhigteen-ba inay bil walba ardayda soo faraan in la bixiyo 15000 oo shilin. Arrintaasi  waxaanu jeclaan lahayn haddii xukuumaddu ay soo celisay lacagtii ardayda laga qaadi jiray in si rasmi ah masuuliyiinta waxbarashaddu daboolka uga qaadaan, haddii kale ay dib isugu noqdaan oo lacagtan la gurayo la joojiyo”Ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Xandulle oo  ka mid ah odayaasha ku dhaqan caasimadda Hargeysa, oo noo sheegay in afar caruur ah oo uu dhalay ay wax ka bartaan   dugsiyadda hoose dhexe, isla markaana  mid walba laga qaado lacag 15 kun oo shilin ah bil walba.

 

Weriyeyaal  ka tirsan wargeyska DAWAN, oo  maalmihii la soo dhaafay u kuur-galay arrintan ayaa soo xaqiijiyay in maamuleyaasha dugsiyadda Hoose/dhexe ee caasimaddu ay mudooyinkan dambe  ardayda ku soo rogeen lacag aan  la cadaynin sharciyan waxa ay ku salaysan tahay,  oo aanay macnaynin Wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee Somaliland.

Waxa kale oo la xaqiijiyay in ardayda aan bixin lacagtan sharci darrada ah laga eryo dugsiyadda waxbarashadda, taasina oo ah  fadeexad labaad oo ay wasaaradda waxbarashaddu tahay inay xal u hesho. Macalimiinta iyo maamuleyaasha dugsiyadda Hoose dhexe ee caasimaddu ayaa la sheegay in ay  ku cawdaan  in mushaharka ay ka qaataan dawladdu uu aad ugu yar yahay, isla markaana aanu daboolaynin baahidda qoysaskooda oo  mushaharkoodu aanu waxba u goynaynin.

Waxaanay ku doodayaan macalimiinta dugsiyadda dawladu  in lacagtii ay ardayda ka qaadi jireen  ee laga jaray ay saamayn weyn oo taban ku yeelatay noloshoodii. Dhinaca  kale, Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta sare Prof. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoolle) oo aanu xalay dhawr jeer  isku daynay  in aanu wax ka weydiino lacagtan ardayda dugsiyadda hoose/dhexe lagu soo rogay ayaanay noo suurto-gelin,  kadib markii uu naga qaban waayay Telefoonkiisa gacanta.

Sidoo kale, Wasiir Ku xigeenka wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin, oo aanu isna  isla  xalay la xidhiidhnay ayaa  ka gaabsaday inuu arrintaasi ka hadlo.  Waxaanu  ku tiraabay “Adeer Anigu Arrintaas Kama Hadlayo.” Markii aanu weydiinay  sababta uga hadlayaynin    cabashadan waalidiinta waxa uu yidhi “Adeer, Ninka ila Hadlayaa sow    DAWAN ma aha? Wargeyskii dawladda sow ma aha.  Adeer  arrintaas ka hadli mayo,  ee waxaad qorayso qor.” Ka dibna waxa uu nagu jaray Telefoonkii.

Si kastaba ha ahaatee xukuumadda  talladda  haysa ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),  waxa ka mid ah qoddobada ay kalsoonida kaga kasbatay bulshadda waxbarashadda dugsiyadda Hoose/Dhexe ee dawliga ah oo    laga dhigay lacag la’aanta. Waxase muuqda in himiladdii madaxweynaha ay mijo xaabinayso siyaasad xumo ka dhalatay maamulka wasaaradda waxbarashadda oo ay ahayd inay iyagu dabo-galaan in qorshahaasi  sidii la rabay u   hirgalay iyo in kale.

XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN