Arday reer Somaliland ah oo Loo Doortay Madaxwayne Ku-Xigeenka Urur ay Ku Midoobeen Ardayda Caafimaadka Dalalka Bariga Africa

Ishaka/Uganda (SLpost) Maxamed Boobe oo ka mid ah dhakhaatiirta reer Somaliland ee wax ka barta jaamacada Kampala International University (KIU) ee dalka Uganda ayaa maanta Shir Shan maalmood ka Socday Magaalada Ishaka ee dalkaasi Loogu Doortay inuu u Noqdo Madaxwayne Ku Xigeen Urur ay ku midoobeen dhakhaatiirta dalalka Bariga Africa oo magaciisa la yidhaahdo Federation of East African Medical Student Association (FEAMSA).

Shirkaasi ayaa waxaa kasoo qayb galay dhakhaatiir waa wayn oo ka kala socday jaamacadaha dalalka la isku yidhaahdo bariga Africa ee ay ka mid ka yihiin Uganda, Kenya, Tanzania, Kongo, Brundi, Ruwanda iyo Koonfurta Suudaan, iyadoo intii shirku socdayna halkaasi lagusoo bandhigay khudbado dhaadheer oo ku saabsanaa sidii kor loogu qaadi lahaa xaalada caafimaad ee wadamada ka hooseeya saxaaraha Africa.

Dhakhaatiirta iyo macalimiinta waa wayn ee ka socday jaamacadaha shanta dal ayaa halkaasi kusoo bandhigay cilmi baadhisyadii ugu danbeeyay ee laga sameeyay aduunka iyo wadamada ka hooseeya saxaaraha Africa, iyadoo intii shirku socday halkaasi lagu bartay aqoon faro badan oo iskugu jirtay dhinacyo faro badan oo ay ka mid ahaayeen siyaabaha kala duduwan ee loo sameeyo cilmi baadhista la xidhiidha caafimaadka iyo arimaha bulshada.

Shirkan caalamiga ah ayaa intii uu socday waxaa kale oo cilmi baadhisyo ku saabsan dhamaan dhinacyada kala duduwan ee kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidoo kor loogu qaadi lahaa kusoo bandhigay dhakhaatiir ka kala socday dalalka Europe iyo Asia oo ay ugu danbayntiina aad ula dhaceen dhamaan kasoo qaybgalayaashii

Gebogabadii shirkaasi ayaa waxaa lagu doortay maamulkii hogaamin lahaa Labada sanadood ee soo socda halkaasi oo madaxwaynaha ururkaasi loogu doortay Dr. WARID oo ka socotay dhakhaatiirta dalka Kenya, Halka Maxamed Boobe oo ka mid ah dhakhaatiirta wax ka barta jaamacada KIU qaybteeda caafimaadka ee waqooyiga dalkaasina loogu doortay inuu noqdo madaxwayne ku xigeenka hogaamin doona ururkaasi ay ku midoobeen dhakhaatiirta dalalka Bariga Africa.

Dr. Mohamed Boobe ayaa maruu la hadlayay kazoo qaybgalayaashii shirka ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “ururkan waxa uu u tagan yahay sidii la iskugu xidhi laha ardayda cafimadkaga ee bariga africa iyo sidii kor loogu qadi laha tayada cafimadka wadamada africa da bari. Wadamada subsaharn africa iyo asia marka la isku daro waxay matalan 85% hoyoyinka u dhinta uurka ama umusha- 85% of maternal mortality occurs in subsaharan africa and asia. Tirada dumarka cafimad xumo u dhimata sanadkii ee subsaharn africa waa 250, 000 oo hooyo. maha walal lambarka ad ku qortay kas ka bedel . 250000 pregnancy related maternal deaths in subsaharn africa per year. Ururka federation of east african medical student associations waxa uu honorory membership siiyay somaliland . imikana waxa samayntiisi lagu jira somaliland national medical student associations oo uu caawinayo ama advisor u yahay Mohamed Bobe. Mohamed bobe waxa kale oo uu aad ugu dedaalay in xubinttan ay somaliland ka hesho ururkan. waxaanay ururka FAEMSA soo dhaweeyeen xubin ka noqoshada somaliland.”
Shirka ayaa waxaa kale oo ka qayb galay toban arday oo reer Somaliland ah oo lagasoo casuumay jaamacadaasi KIU xarunteeda magaalada Kampala ee culuumta arimaha bulshada iyo Shan Arday oo lagasoo Casuumay qaybta caafimaadka ee galbeedka dalkaasi oo dhamaantood dareen farxad leh ka muujiyay sida qiimaha badan ee loogu doortay xilka jagada madaxwayne ku xigeenka ururka ay ku midoobeen dhakhaatiirta bariga Africa ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo qoro (FEAMSA).

Shirkan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ay iskugu yimaadaan dhakhaatiir ka kala socota dalalka bariga Africa iyadoo taariikhda bariga Afrikana  ka dhigaysa markii ugu horaysay ee dhakhaatiir reer Somaliland ahi ay ka mid noqdaan urur goboleed laga aqoonsan yahay Bariga Africa. Jagada loo doortay Dr. Mohamed Boobe ayaa ka dhigaysa mid sumcad dheeraad ah usoo kordhinaysa dalka Somaliland isla markaana  fursad u siinaysa inay dhakhaatiir Bariga Afrika ka socdaa Somaliland ka fikiraan sidii kor loogu qaadi lahaa heerka caafimaad ee ay taagan tahay.

SOMALILANDPOST.NET