Arday Reer Somaliland ah oo guulo ka soo hooyay qalin-jebinta Shahaadada Master ee Jaamacadda Kampala (DAAWO SAWIRRO)

Kampala (SLpost)- Arday ka socotay Somaliland oo dhammaystay waxbarashada heerka labaad ee loo yaqaanno “Master” ayaa kaalmaha hor ka galay ardaydii ugu sarraysay dufcaddii 12aad ee ka qalin-jebisa jaamacadda Kampala ee dalka Yugaandha.

Munaasibadda qalin-jebinta oo maanta oo taariikhdu ahayd 12 March 2015, ka qabsoontay xarunta jaamacaddaas ee magaalada Kampala ee dalka Yugaandha, kana qaybgaleen masuuliyiin sarsare oo ka socotay dawladda Yugaandha, masuuliyiinta ugu sarraysa jaamacaddaas, siyaasiyiin iyo ganacsato caan ka ah dalkaas, ayaa lagaga dhawaaqay ardaydii ugu sarraysay kuwaas oo ay xubno ka ahaayeen arday ka socotay Somaliland oo ka mid ahayd dufcaddii qalin-jebinta loo qabtay.

DSC_0650Ardaydan oo muddo laba sanno ah baranayay cilmiga siyaasadda iyo dibloomaasiyadda,  ayaa waxbarashadooda oo ay ka wadeen jaamacadda Kampala waxa fududeeyay oo ay u soo maraysay jaamacadda Hope ee Somaliland. Lix arday oo ka mid ahaa kuwii xafladda qalinjebinta kaga qaybgalay magaalada Kampala ayaa afar ka mid ah la guddoonsiiyay shahaado sharaf lagu maamuusay kaalinta ay ka galeen waxbarashadii ay wadeen.

DSC_0689Intii ay socotay munaasibaddu ayaa masuuliyiintii hadlayay ay shaaciyeen inay goobta ku sugan yihiin arday ka socota Somaliland oo ka mid ah kuwa qalin-jebinaya. Ardayda ka qaybgalay munaasibadda qalin-jebinta ee ka dhacday magaalada Kampala, ayaa waxay kala ahaayeen;

  1. Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo)
  2. Barkhad Maxamuud Kaariye
  3. Hibaaq Ibraahim Gammuute
  4. Farduus Siciid Dirir
  5. Maariya Cabdillaahi Gahayr
  6. Cabdirisaaq Cabdillaahi Aadan.

Hase ahaatee, munaasibadda oo socotay ilaa fiidnimadii ayaa ardayda la guddoonsiiyay shahaado-sharafka lagu maamuusayay kaalintii ay ka galeen waxbarashada ay dhammeeyeen waxay tiradoodu dhammayd afar.

DSC_0781 DSC_0782 DSC_0798 DSC_0800 DSC_0872 DSC_0778 DSC_0780