Aragtidii Hoggaamiye Cigaal ee Qalalaasaha Soomaaliya iyo mowduucyo kale oo xiiso leh (8aad) – Qalinkii: Boobe Y. Ducaale

Waa Hoggaamiye/ Madaxweyne Cigaal oo weli sii wata hadalkiisii, waxaanu intaa hore ku kaabay:

Maxamed X. I. Cigaal
Maxamed X. I. Cigaal

‘Maanta Min-fadli Laahi’,  waa la wada joogaa nabad iyo wada-dhaqan ayeynu haynaa, haddii se la rabo in ujeeddooyinkii, qarannimo iyo dawladnimo ka dhabayno waa in aynu tallaabo cusub qaadno oo aynu qaran noqonno, taas oo qudha ayaa baasaaboor ah oo mujtamaca caalamka kaga qeyb-geli karnaa. Inta hay’adaheenu  ku dhisan yihiin beel iyo qabiil ee qarankani qiimo lahayn oo hiil iyo u halgan toona haysan, ma Ictiraafayo Caalamku qabaa’il isu tegay oo mid waliba ay iskeed u madax-bannaan tahay oo ay taladeedu gaar u tahay .

Mujtamaca caalamku xeer buu leeyahay, xeerkaasi waxa u horreeya in cidda ka mid noqonaysaa tahay qaran, qowmiyad isku xidhan oo ujeeddo qudh ah leh, oo guddoonkoodu fuliyo oo lagu aammini karo, waxa keliya oo taas caddeyn kara oo u markhaati kacaya, marka aynu Dastuur habaynno oo aynu qaadno cod afti ah oo shacbigu ku ansixiyo Dastuur ay raalli ka yihiin oo ay kalsooni ugu codeysay aqlabiyadda shacbiga Somaliland.

Waxa kalsoonida keenaya doodda ay labada Gole ee Baarlaamaanku ay ku doodeen oo ay qodob-qodob u qaadaa-dhigeen, faqrad wal oo Dastuurka ka mid ahba, ka dib markay Golayaashu soo dhammeeyeen, haddana Raadyaha ayaa qodob-qodob loogaga akhriyay, shacbiga si tifa-tiran loogu sharraxay oo loogu fasiray, qodob wal oo Dastuurka ka mid ahba.”

Geeridu waa xaq e’ maa daama ay si kedis ah ku timid laga wada nax. Ma ahayn naxdin Somaliland ku kooban bal se Soomaali inteeda badan xadanto iyo xaradhaamoba waa ay ku yeelatay. Sohdimaha Soomaaliyeed naxdintaasi waa ay ka gudubtayoo dad iyo dalal kalena saameynteeda ayay ku yeelatay. Dhambaalladii tacsida ahaa ayaa ilaa muddo socday, gogoshaa badatay, meerisyada Quraanka ah ayaa la wareejiyay, tusbaxaa la rogay, raatubkaa la riday, afaf badan ayaa loogu duceeyay.

Geeridiisii iyo aaskiisiiba ididiilo hor leh ayay ka dhaliyeen gude iyo dibadba. Yuhuunta, kalgacalka, isa-saamaxa iyo isu-soo-dhawaanshaha gudaheenna ka dhashay waxa u dhigmayay ka dibadda ka dhashay, gaar ahaan Soomaaliya iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurbo-joogga ah.

Xasan Bariise oo magaalada Muqdisho BBC-da uga soo warramayay wuxu maalmahaa inoo noo sheegay in dadweynuhu ku soo xoomeen idaacadda iyaga oo ka naxsan geeridaa isla markaana ka tiiraanyaysan aayaha danbe oo Somaliland oo ah meesha ugu deggan. Wuxu intaa ku daray in ay werwer iyo walaac badan ka qabeen in dagaallo hor lihi ka curtaan oo xukunka la isku laayo, bal se ay degeen markii ay maqleen Madaxweyne ayaa la doortay. Waa shacbigii ma-kasta iyo maatada ahaa ee Muqdisho. Waa dareen la yaab leh oo mudan in laga mahad-celiyo. Dareenkaa mid la mid ah ayaa ka abuurmay halkanna oo shacbiga Somaliland sidaas oo kale ayay uga xun yihiin deggenaansho-la’aanta ka taagan Soomaaliya. Intaas oo keliya ma aha e’ waxay diyaar u yihiin in ay walaalahood gurmad u fidiyaan tamari meel ay dhigtaba. Bal hadda aynu eegno dareennadaa Muqdisho ka dhashay qaarkood sida ay Jamhuuriya inoogu soo gudbisay. Waxa aan xiganayaa Jamhuuriya, Vol. 11, cadadkii 1796 ee ku taariikhaysnaa 14/5/2002da. Waxa ay qortay:

 “Idaacaduhu waxay sameeyeen barnaamaj ay ku cabbirayaan ra’yiga dadweynaha khadka tilifoonnada laguna xiriiriyay dadka. Waxa kale oo ay sameeyeen barnaamajyo dood-wadaag ah, waxay dadku u bateen 98% in ay Cigaal ku tilmaameen nin weyn oo Somaliland oo keli ah aan ka tegin e’ Soomaali weyn oo dhan ka tegay.”

Taasi sharaf ayay u tahay Cigaal iyo Somalilandba ee ma aha wax Cigaal canbaar looga dhigo sida ay dadka qaarkii la tahay.

Dareenka walaalnimo iyo baroor-diiqdu waa ay badnayd. Waxa aan jeclahay in aan halkan ku xuso dareenkii la yaabka lahaa ee Cabdillaahi Majoor oo aanay ahayn markii ugu horreysay ee uu sidaas oo kale uga hadlo Somaliland. Waxa uu ka mid ahaa odayaal la keenay Hargeysa oo burburtay markii ay garaaceen madaafiicdii iyo dayuuradihii nidaamkii bahalka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre, 1988kii.

Hadalladii Cabdillaahi Majoor waxa ka mid ahaa maalintaa BBC-du wareysanaysay maahmaahda Soomaaliyeed ee ah: “Rag cadaab ciil ka dooray.”

Waxa kale oo aan jeclahay in aan halkan ku xuso hadalladii xadantada lahaa ee Sheekh Mukhtaar oo ahaan jiray Guddoomiye Barlamaan. Sheekh Mukhtaar maalintaa waxa uu ku soo gebagebeeyay hadalkiisii Ilaaheey baa og ninka Madaxweyne noqonaya  ee nabaddiinna iyo deggenaanshihiinna ha ku ciyaarina oo dagaal ehliyi yaanu bilaabmin. Sheekh Mukhtaar iyo inta ay dareen-wadaagta ahaayeen Somaliland dal iyo dadba lexejeclo ayay ka qabeen. Waa ay u naxayeen. Waa ay u baqanayeen. Waxa ay ku naalloonayeen oo naruuro u ahaa nabadda iyo horumarka ka jira Somaliland. In badan oo kale ayaa dareenkaa la wadaagtay oo aan fursad u helin in ay idaacad kaga hadlaan ama E-maillo ku soo diraan.

Hotel Shaamow maxaa ka dhacay 8/5/2002da? Faahfaahin badan ka ma hayo oo aan ahayn intii aynu BBC-da ka maqallay. Xafladdaa oo loogu baroor-diiqayay Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, waxa soo qabanqaabiyay ururro ay ka mid yihiin: INXA, CRD (Xarunta Wada-tashiga iyo Cilmi-baadhista) iyo qaar kale. Sida aan aamminsanahay niyad-samaan ayay ka ahayd oo ujeeddooyin xun ka ma ay lahayn. Soomaalidu se waxa ay ku maahmaahdaa: “Baruur keliya ayaa baruuro qudhmisa.” Ururradaasi tacsidii ay niyad-samida u abaabuleen waxa ka sadheeyay Cismaan Jaamac oo aan abidkii kob caano leh ka soo durdurin.

Cismaan Jaamac inta uu makrifoonkii qaatay ayaa wuxu yidhi waxa aan ka sheekeynayaa wixii uu jeclaa Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo nimanka qaban doona hoggaanka Somaliland. Cismaan Jaamac hore uma aqoon Cigaal, immikana ma aqoon. Hore uma aqoon oo Cismaan Jaamac oo wuxu la kowsaday Siyaad Barre. Cigaalna waa uu xidhnaa baa lagaa yidhi. Intii uu Cigaal Somaliland hoggaaminayayna Cismaan dalka cag ma soo dhigin oo London ayuu iska deggenaa. Halkee ayuu Cigaal iyo wuxu jecel yahay ku yaqaannay? Bal adba.

Inkasta oo aanu mudnayn in aan waqti badan iskaga lumiyo, bal hadda u fiirsada laba arrimood:

Cismaan Jaamac waxa uu is-yidhi Cigaal canbaaree markii uu ceeb kale u waayayna wuxu yidhi:” Cigaal wuxu jeclaa in uu Villa Baydhaba ku noolaado”,

Mar kale Cismaan Jaamac waxa uu is-yidhi Somaliland bac ku xidh. Markaana waxa uu yidhi: “Ragga madaxnimada u soo socdaa waa rag midnimada jecel.”

Ninkii odeyga ahaa intaas ayuu la shir yimid. Laf buu toobin ku hayay. Cismaan ma oga in Cigaal sidii uu jeclaa loo yeelay oo iyada oo dardaarankiisii la raacayo aabbihii agtiisa, magaalada Berbera lagu aasay. Deelleydii Cabdi Iidaan, Alla ha u naxariistee, ee Awrka Dooh ma lagu yidhi ayaa waxa ku jirtay:

 “Doontaba aan yeellee,

 Damacdaba aan raacnee”,

Bal hadda taa Cismaanba aan raacnee, maxaa ku jaban haddii uu Cigaal jeclaa Villa Baydhaba? Sow waayo kuma noolayn? Sow dal Soomaaliyeed ma aha? Miyaanu Sheekh Mukhtaar Hargeysa jeclayn? Cabdillaahi Majoor miyaanu Somaliland u damqanayn? Haddii aanu Muqdisho u damqanno ma canbaar iyo denbi baa? Waa nin iyo garaadkii.

Garaadka dadku wuxu la korayay dibudhiska iyo horumarka. Dareenka maanta Hargeysa iyo Muqdisho yaallaa ma oollin sannado ka hor. Maalintii timaaddaba dadka waayo-aragnimo hor leh ayaa u kordhaysa. Waa la soo dhaafay xilliyadii dadka la isku soofayn jiray ee la isku diri jiray.

 (Qormooyinkan waxaan qoray maalintii Cigaal la aasay 11 sannadood ka hor. Waan yar nakhtiimay waxna waan ka yar beddelay ama ku kordhiyayba.)

Dhammaad