Aragtidii Hoggaamiye Cigaal ee Qalalaasaha Soomaaliya iyo mowduucyo kale oo xiiso leh (7aad) – Qalinkii: Boobe Y. Ducaale

Maxamed X. I. Cigaal
Maxamed X. I. Cigaal

Hoggaamiye/Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, inta badan khudbadihiisa warqad kama akhriyi jirin. Wuxu ahaa hoggaamiye ku soo tababartay makrifoonnadii xisbiyadii gobannimo-doonka iyo kuwii mucaaradka ahaaba xilliyadii danbe ee madaxbannaanida la xaqiijiyay. Khudbado dhaadheer oo dacallo badan ayuu inta badan jeedin jiray oo taabanayay hadba arrimihii xilliyadaa taagnaa ama aawanaaba. Marka aad dhex qaaddo khudabadihiisa ayaad ka yaabaysaa murtida hodanka ee ku jirta iyo sida aanay wax badani u seegin ama uu uga hadlayo mowduucyo nolosha taabanaya.
Waa kan mar kale isaga oo ka hadlayay Hay’adaha Caalamiga ah. Waa Hargeysa iyo 6dii Jeeniweri 1996kii, waxaanu yidhi:
“Ama Nayroobi ayaad nagu sugeysaan ama waad nala shaqeynaysaan, maxaa yeelay, halkan soo-dhaweyn uma hayno ciddii aan wax nala qabaneyn.
Waxa aan qabaa in Laamaha Qarammada Midoobay & Hay’adaha Samo-falka caalamiga ah ee ‘INGOs’, badankoodu ay carqalad ku yihiin tallaabooyinka dalkan wax lagu qaban lahaa. Sidaas awgeed, waxaanu idin ku war-gelinaynaa in aan raalli halkan lagaga noqon karin ciddii turxaan iyo turunturro ku noqota tallaabooyinka wax loogu qabanayo waddanka ee aanu ugu horseedayno in uu ka soo kabto burburkii ku dhacay.”
Intaas wuxuu Madaxweynuhu ku daray:
“Qarammada Midoobay & Hay’adaha in aan looga fadhiyin shaqana aanay ku lahayn, aqoonsi oo ah arrin siyaasadeed, laakiin ciddii jiritaanka (de- facto reality) nagu tix-gelin weyda, anaguna tix-gelin meynno.”
Mar isaga oo ka hadlaya saxaafadda xorta ah oo run ahaantii ku hoos barbaartay hoggaamintii Cigaal, dulqaad badanna uu u lahaa in kasta oo aanay meesha ka madhnayn in mararka qaarkood la xidhi jiray dadka ka shaqeeya, mar uu ka hadlayay wuxu yidhi:
“Waxaanu ku nidhi in saxaafaddu xor tahay, qaynuunna aanu immika sameynayno oo la siiyo ‘tawjuh’, illeyn immikaanu wax walba unkaynnaaye oo curdin baanu nahay e’. Dhowr jeer ayaanu hore uga hadalnay oo ku idhi, kol buu wasiir cadhaysan yidhi: ‘Waar maxaynu nimankaa u eeganaynaa maynu wax ka qabanno.’ Markii immika qaabkii la sameeyeyna, waxa laga wadi waayey in aanu is nidhaahno, waar haddii maanta aynu is nidhaahno aynu kaantaroolno, halkee ayaynu hadhowna ku joojin doonnaa?”
Waa 7/12/1997kii iyo magaalada Hargeysa. Waa mar ay booqasho ugu yimaaddeen wefdi ka socday ‘Congress-ka’ Maraykanku. Bal hadda u fiirsada ereyada carabiga ah ee uu adeegsanayo Cigaal oo aad mooddo ama ahba kuwii lixdannadii la adeegsan jiray intii aanu af Soomaaligu qormin ee aanu aad u tanaadin. Bal u fiirsada erayada: ‘Qaynuun’ iyo ‘Tawajuh.’ Xagga danbe wuxu adeegsanayaa ereyga ‘Irshaadaat’ oo noqonaya tilmaan ama hanuunin.

Intaa horena wuxu ku sii kabay oo raaciyay:
“Markaa waxaanu isla garanay in faraha laga qaado, oo sidoodaa loo daayo, laakiin, qaynuunka cusubi ‘Irshaadaat’ ka bixiyo mas’uuliyadda oo ninkii caytama, qofka uu doono ha ahaado e’ uu qofkii la caayey uu heli karo, oo uu Maxkamad tegi karo, laakiin waxaanu isla garanay, in aan xorriyadda la taabanin.
Qaynuunku, xagga saxaafadda ayuu ka yimid oo iskaashi aanu sameyn lahayn, waanu se oggol nahay inta aan Baarlamaanka la hor geyn, in aanu idin nidhaahno ra’yi waxa aad ka qabtaan keena, waxaana fiican in aad sameysataan Jimciyad aanu ku soo hagaagno.”
Isla maalmahaa ay la joogeen wefdigaa ‘Congress-ka’ Maraykanka ahi ayuu hadlay xisbiyada siyaasadeed, waxaanu yidhi:
“Axsaabta, dhakhso ayaanu u furaynaa, oo iyagana sida saxaafadda, waxaanu u sameynaynaa (Xeer Tilmaameed) sida in aanu noqon xisbigu: xisbi qabiil ama Gobol uu noqdo Xisbi ummadeed (National Party) laakiin fikirkooda iwm, iyagaa sameysanaya.”
Tallaabadan xisbiyada lagu sameeyay waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu mudan ee ay taariikhda culani ku xusi doonto Hoggaamiye/Madaxweyne Cigaal.
8/2/1998kii mar uu booqasho ku joogay magaalada Paris ee xarunta dalka faransiiska ayay BBC-du wareysatay. Galabtaana halkudhegyada aanu ka soo qaadannay waxa ka mid ahaa mid uu si gaar ah ugaga hadlayay keli-talisnimada iyo fikirka uu ka qabo, waxaanu yidhi:
“Ceeb baan u aqaan Keligii Taliyaha. Waxaan u aqaan, nin aan isku kalsoonayn, oo aan arrinkiisa dood ku dhammeysan karin oo doonaya, in uu af-duub ku dhammeysto. Markaa ceeb ayaan u arkaa, arrintaa iyada ah, Wasiirradana raggii meesha ka tegay in aan wax ceebeeyo ma doonayo, laakiin, nin aan ka gar-darnaa ma jiro.”
Mudane Cigaal isaga oo ka hadlaya dhinaca dhakhaatiirta, wuxu yidhi:
“Caalamka ma jirto dhakhtarnimo lagu taajiraa, xitaa kuwa wadnayaasha isku beddelaa, xaaskooda ayay biilka kula xisaab-tamaan, dhakhtar-nimaduna waa ‘Profession’.
Cigaal isaga oo sii faah-faahinaya wuxu yidhi:
“Nin ayaa la weydiiyay dhakhtarkee ayaa ugu wanaagsan, wuxuu ku jawaabay: “Kii qofka buka raalli-galiya, sidaa darteed, dhakhtarnimadu ma aha Degree ama shahaadad ee waa naxariista.”
Hoggaamiye/Madaxweyne Cigaal 1997kii mar uu dadweynaha kala hadlayay dareenkooda iyo sida ay u mooggan yihiin danahooda, iyada oo la dul joogo lafihii Malko-durduro ee daadku soo saaray, Odeyga waxa laga guntay:

“Inta arrinkeenu yahay dhandhamo-raac ee aynu leenahay maxaa aniga la ii qabanayaa ama danteennu ku dhisan tahay mid qabil, mid qof, mid qoys… mijin Jaad ah caqligeennu la mid yahay waxba inoo hagaagi maayaan…. taa shalay dhacday ayaa berrina dhici doonta.”
Bal hadda aynu u gudubno 30kii Meey, 199kii iyo khudbad uu ka jeediyay Kheyriyada oo kaga faalloonayay dawladnimada iyo marxaladda kala-guurka, waxaanu yidhi Hoggaamiye/Madaxweyne Cigaal:
“Dowladnimadeennu ilaa maanta waxay ku dhisnayd hab beelo ka soo baxay, ilaa maanta aynu meel fiican ku gaadhnay, hab-beeleedkii aynu aasaaska uga dhignay dowladnimadeenna, halkii uu nidaamkaasi ina gaadhsiin karayeyna dhamaadkiisii ayeynu maanta joognaa. Waxa loo baahan yahay in aynu maanta tallaabadii labaad qaadno, oo qabiil qaran ku beddelno, ‘cahdiga’ maanta dhamaaday mid loo baahnaa ayuu ahaa, oo ay lagama maar-maan ahayd in aynu ku dhaafno oo kaga baxno ‘fowdaddii’, qaskii iyo isku-taagnidii ay xabbaddu iskugu keen jirtay ee qoloba qolo hiifsanayd ee hagar-daameynaysay.”
(La soco………………………………………..)