Aragtidii Hoggaamiye Cigaal ee Qalalaasaha Soomaaliya iyo mowduucyo kale oo xiiso leh (6aad) – Qalinkii: Boobe Y. Ducaale

Maxamed X. I. Cigaal
Maxamed X. I. Cigaal

Cigaal sida uu u arkayay Qalalaasaha Soomaaliyeed waxa uu markii ugu danbaysay ku xaqiijiyay dareenkii af iyo qoraalba ahaa ee uu siiyay wefdigii ugu danbeeyay ee ururka IGAD ee u socday qabanqaabada shirkii Nayroobi lagu qabtay 2004kii. Cigaal wuxu mar kale caddeeyay in aanay Somaliland qayb ka noqon doonin ee ay tahay in shirkaa lagu heshiisiiyo dhinacyada isku haya Soomaaliya ka dibna la wada hadli doono iyada oo laba dal oo deris iyo xorba ah la yahay. Sidaas ayuu ku god-galay, naxariistii Janno Alle ha siiyo e’.

Waxa kale oo iyaduna xus iyo xusuusba mudan in uu Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal soo bandhigay aragti cusub oo uu ka yeeshay qaabka lagu xoreynayo ama ay ku xoroobayaan dalalkii ama gobolladii kale ee Soomaaliyeed ee la haystay ee saddexda maqan ahaa. Aragtidan cusub wuxu ku soo bandhigayaa Shir ka dhacay magaalada Caruusha oo ku taal dalka Tanzania. Waxay ahayd mar Madaxweynihii Zambia ee Keneth Kaunda halkaa ku wada-hadashiinayay Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo Soomaaliya u ahaa Ra’iisal-wasaare iyo Jomo Kenyata oo Madaxweyne u ahaa dalka Kiiniya. Waxay ahayd 1967kii.

Berigaa Cigaal wuxu soo jeediyay aragti cusub oo ay dadka qaarkii ku naqdiyeen, qaarna ku taageereen. Wuxu soo jeediyay in ay dadyowga dalalka Soomaaliyeed ee maqani qaadaan mas’uuliyadda ay dalalkooda ku xoreynayaan, Jamhuuriyadda Soomaaliyeedna ay taageerto, laakiin aanay safka hore gelin.

Maxamed Siyaad Barre, aragtidan wuxu ku soo bandhigayaa Khudbaddiisii 10-guuradii Inqilaabkii uu talada dalka ku maroorsaday. Buuq iyo sawaxan badan ayay ka dhex-dhalisay Golihii Dhexe ee Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed. Waxaan xusuustaa in ay aad uga xanaaqeen xubnihii Golaha Dhexe ee XHKS ee ka soo jeeday gobolka Ogaadeeniya.

Marka aynu intaa ku soo dhaafano Aragtidii Cigaal ee Qalalaasaha Soomaaliyeed, waxaan jeclahay in aynu u gudubno, aragtidii Cigaal ee qaybo badan oo nolosha ka mid ah.

Cigaal marka aynu ka hadlayno, waxaynu ka hadlaynaa Hoggaamiye ee kama hadlayno Madaxweyne  ama Ra’iisal-wasaare keliya. Madaxweyne sida lagu noqdaa waa ay ka fududdahay sida lagu noqdo Hoggaamiye. Madaxweynaha waa loo codeeyaa, laakiin Hoggaamiyaha looma codeeyo. Hoggaamin la mahadiyay iyo hawl-gal togan yaa lagu noqdaa hoggaamiye ummadeed.

Sidii aynu kor ku soo sheegnay, Madaxweyne Cigaal waxa lagu doortay Boorame. 1993kii iyada oo la siiyay laba sannadood oo kala-guur ah oo lagu soo diyaarinayay Dastuur Qaran. Muddadaa labada sannadood ahayd ayay suuro-geli weyday in Dastuurkii lagu diyaariyo, ka dibna labada Gole ee Xeer-dejinta ayaa u kordhiyay 18 bilood oo kale. Weedhan ‘Cahdiga Cusub’ wuxu kaga hadlayaa muddadaas loo kordhiyay iyo hawlaha hor yaal, waxaanu yidhi:

“Cahdiga cusub ayaynu bilaabaynaa, marka ay Labada Gole,  cahdigaa cusub gud-biyaan, dhowr nin oo iigu yimi, in ay ii hambalyeeyaan ayaan ku idhi malaha is-hambalyeynta waxa inooga meel mar noqon lahayd, in aynu is-tacsiyadeyno, hadalkaygii si kale ayaa loo beddelay, dadna waa ka naxay, oo tacsidu xaggay ka timid ayaa la yidhi.

 

Waxaan doonayaa in aan taas idiin yara sharraxo. Waxay tahay laba sannadood oo inaga lumay, oo waxay inagaga lumeen iyo waxaynu isku haysannay iyo wax aynu diiddaneyn iyo wax aynu doonaynay, aynaan midna garanayn. Labadaa sannadood oo wax badan oo inaga baaqday, aynu qabsan lahayn, ayaan lahaa bal in aynu taas iska tacsiyadeyno, si aynu markaa ‘cahdiga’ cusub ugu dedaalno in aanu sidii kii hore inagaga lumin khasaare iyo nacasnimo.”

Hoggaamiye/Madaxweyne Cigaal, wuxu aad iyo aad uga qoommamoonayay laba sannadood oo macno la’aan ku lumay. Waxaan jecelahay in aan halkan ku xuso oo aan hoosta ka xarriiqo in aan halkudhegyadan ka soo xigtay buug uu Maxamed Faarax ku ururiyay qaybo ka mid ah khudbadihii Hoggaamiye/Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Isaga oo hadalkiisii sii wata, wuxu intaa ku daray:

 “Odayaashii isu tagay ee Labada Gole, aad iyo aad ayay ammaan iyo abaal inooga wada mudan yihiin kulligeen. Sababtu waxa weeye, sida ay wax u qabteen, talo wanaagsan ayay ku taliyeen. Haddii afar sano, saddex sano, ay wax kordhisan lahaayeen, waxa la odhan lahaa, kursi-jacayl ayaa meesha ka muuqda, iyaga ayaa kordhistay si ay meesha ugu daahaan. Waxay ku taliyeen, si’ aad ah inta ay uga fiirsadeen hawsha hor taalla, mudadii lagu qaban lahaa, intii ugu gaabnayd ee hawshaasi ku fuli lahayd ayay ku gooyeen in ay kordhiyaan, waddanninimo iyo dal-u-danayn ayaa ka muuqday, waa ay muteen xaqiiqatan.

Markaa saddexdayada Goleba waxa ballan naga yahay, muddadii la qabtay in aan mar labaad lagu noqon wax kordhis ee muddadaa lagu dhammeeyaa, wixii hawl ah ee inaga baaqday.”

Halkan, waxaynu ka dheehan karaynaa aragtidii Cigaal eek u saabsanayd Qodobka: 83aad ee Dastuurka ee aynu ku dawakhnay ee muddo-kordhintii noqotay tusbax furtay oo aan dhammaad lahayd. Bal u fiirsada werwerka iyo walaaca uu ka qabo muddo-kordhinta.

Isaga oo hadalkiisii sii wata, wuxu intaa hore ku kabay:

 “‘Cahdiga’ cusub ee aynu bilownay waa inaynu ka baydhno waddadii labadii sanadood ee hore aynu u marnay, laba sano oo qas iyo is-ka-horjeed, is- haysi, wareer ayuu inagu dhaafay. 18ka bilood ee danbe waxaan ku talo jiraa, in ay noqoto ‘cahdi’ wax la dhiso, ee hawshu aanay noqon uun intii inaga habsaantay ee (Dastuurka qoristiisa iyo doorasho-sameyntii iyo aftidii la qaadi lahaa, 18 ka bilood ka bacdi waa in aynu dal-dhisan wareejinaa) oo dadka aad dooran doontaan ee doorasho ku soo bixi doona, aynu ku wareejinaa dal dhisan iyo dad dhisan, danta caamka ah ayaa kulligeen danteennu ku wada jirtaa, dan khaas ah wixii lagu qabtaa wax meel mar ah ma noqdaan, ta caamka ahi marka ay fusho ayaa kulligeen wax inoo wada fulayaan.”

Bal immikana aan u gudubno aragtidii Cigaal ee Madaxbannaanida Somaliland, waxaanu yidhi:

“Ma oggolin in cid I hoggaan gashato sidii lixdankii la inoo jiho-wareeriyey, mid ina neceb iyo mid ina jecelba caalamka dood ayaanu la yeelanaynaa, siday odhan jirtay Soomaalidu: “Oodi qaadis iyo jiidis waa isla guri-geyn.” Waxa muqaddas ah oo aan ka leex-leexasho lahayn oo aan (Compromise) geli karin ujeeddada qudha ee aynu kulligeen wada qabno ee aynu kuwada soconno taas oo ah in ay Somaliland jirto, oo joogto iyada oo madax-bannaan oo xor ah oo qaran siyaasiya leh oo mujtamaca caalamka ka mid ah, taa weeye waxa muqaddaska ah, meelba se sida loogaga dhirin-dhirinayo ee looga hir-gelinayaa waxay ku xidhan tahay, hab-siyaasadeedka duruuf waliba ka dhigto daruuri, mid la isu dhul-dhigo, mid dhiif lagu wajaho.”

(La soco……..)