Aragtida Muuse Biixi ee Aqoonsi Raadinta

Haa, waa madaxwaynaha xiga siilaanyo hadii wadku daayo, in taa la odorosaana uma baahna PhD iyo faal toona.  Haddii wali qaarkiin naawilayaan qaybtii labaad ee filimkii dagaalkii Tusbaxlayda iyo Tamuujadlayda, waxa aan leeyahay  filmkaasi qaybtaa kaliya ayuunbuu ahaa! Sidaasooy tahay,    uma qalin qaadan in aan lafaguro dagaalada siyaasiga ahaa ee adkaa siduu uga dabaashay iyo go’aamadii  masiiriga ahaa ee uu Muuse marar badan qaatay  sida ay ugu hogaamiyeen guusha uu maanta gaadhay. Mana rabo inaan halkan ku faahfaahiyo sida Muuse Biixi u shabaho Bisaddii todobada nafood lahayd ee marka lays yidhaa way dhimatayba naf hor leh la soo baxaysay. Waxa u muhiim ah muwaadinku waa in uu fahmo waxa uu ku qiimaynayo  iyo waxa uu ka filan karo hogaamiyaha uu dooranayo. Dagaaladaa siyaaseed, dhib wixii la mariyay iyo dhib wuxuu rag mariyayba taariikhyahanada iyo afmiishaarada ayaan u dhaafi doonaa in ay ku murmaan.

 

Marka taa halkaa looga tago, siyaasaddu waa dagaal loo galo in la helo awood lagu meel mariyo firkado siyaasadeed, dhaqaale iyo qaar bulsho oo gaar ah ama cid gaar ahi wadato.  Inta lagu guda jiro dagaalkaas, hadalka ayaa door wayn ka ciyaara. Tallaabo kasta oo siyaasadeed waxa lagu diyaariyaa,  weheliya,  isla markaana saamayn badan u yeelaa waa hadalka.  Hadalku waa daaqadda aan ka eegno qofka waxa miskaxdiisa ku jira. Mana garan karno qofna waxa uu aaminsanyahay hadii aanu qofkaasi inala hadal.

 

Marka laga yimaaddo aqoontii, in uu sara joog ku dhamaystay wakhtigii su’aaluhu socdeen oo uu caafimaad baanay iyo kalsoonidii uu muujiyay gudoomiyuhu intii lagu guda jiray kulankii u adambeeyey ee Tvgu soo qabanqaabiyay ee uu la yeeshay bulshada, waxa mudan in hoos loo eegaa waa aragtiyihii uu so bandhigay oo ahaa qaar intooda badan u janjeedhay dhanka furfurnaanta iyo horusocodnimada inkasta oo uu arimaha qaar qunyar socodnimona ka muujiyay.

 

Inta badan kala duwanaanta doodaha kuwa furfuran (liberals) iyo kuwa qunyar socodka ahi (conservatives) waa mid dhacda sida ay muhiimadda u kala siiyaan afkaarta lala xidhiidhiyo mabaadi’dii xiliyadii fufka (enlightment ideals)  iyo kuwa diimeed iyo dhaqan.   Tusaale ahaan, samaysanka dal ma wax ku xidhan baa go’aan iyo ficil dad mise waa qadar Rabbi?  Waxa runta u dhaw  in dunida oo dhammi Ilaahay hal dal u tahay.  Waxaase iyana in intaa leeg run ah go aanka in  dal  laga sii dhexsameeyo dalkaa wayni  in uu yahay go’aan uu Ilaahay dadka uga tagay. Waa  dano amni iyo qaar dhaqaale oo dadeed kuwa qaabeeyaa sida hadba dunidu u kala qoqobmayso ama isugu  furmaysaa.  Danahaasay ahaayeen kuwii qeexay xuduudaha Somaliland laba qarni ka hor;  isla danahaas ayay ahaayeen muddo ka dibna kuwii isu furay xuduudaha dadkii isir ahaan Somalida isku ahaa qaar ka mid ah.  Marka u dambaysana waa hadba sida aynu jawaab ugu helno su’aasha ah gooni isu taageennu muxuu dinida ku soo kordhin karaa dhaqaale iyo amniba ta ka dhabayn doonta ama fashilin doonta damaca reer Somaliland ee ku wajahan in ay noqdaan dal iyo dad madaxbannaan oo dunidu aqoonsatahay.

 

Hadii aan wax uun ka baranay 25kii sanno ee aan hadda baadi goobka ugu jirnay in aqoonsi buuxa loo helo Somaliland, waxa aan ka baranay waxa uu yahay in aan garnaqsiga aqoonsi raadinta lagu salayn karin xaqiiqanimada taariikheed ee jiritaanka Somaliland oo kaliya. Iyo in aanay ku filayn in lagu saleeyo garnacsi sharci iyo axdiya/curfiyo duwali ahi  toona.   Hadii kuwaasi in uun wax ku filan yihiin, waxa hubaal ah in Somaliland buuxisay shuruudo badan iyo in uu dhankeeda miisaanka sharci jiro.

 

Tusaale ahaan, waxa lagu dooday in Somaliland  buuxisay dhammaan shuruudihii dalnimo sida uu dhigayo Axdigii Montevideo ee sanaddii 1933; in ay leedahay Somaliland xaqiiqanimo taariikhi ah oo ay jirtay ka hor midawgii Soomaliya. Iyo waliba in muddadii ay wada jireenna ay ka badnayd intii ay kala jireen dal ahaan iyo dawlad ahaanba.  Waxa Somaliland la jira xaqqa Aaya ka Tashiga ee uu dhigayo  Axdiga Qaramada midoobay (UN Charter) Qodobkiisa Koobaad, Fiqradda 2; iyo Qodobka 55, iyada oo ay intaba ku cadyihiin in xaqa aaya ka tashigu yahay mabda’a aasaasi ah iyo xaq aan la duudsin karin. Sidoo kale Qodobka 73 ee Axdiga Qaramada midoobay (UN Charter), waxa uu isna Xaqqa Aaya ka Tashiga Siyaasadeed (political self-determination) siinayaa dhulalka caalamiyan laysla yaqaanay kuwaasoo dhulalkii gumaysigu ka talinayay tusaale u yihiin (sida Somaliland).   Waxa iyana xaqaa ayaa ka tashiga sidoo kale taageeraya axdiyo kale oo dhawr ah oo ay ka mid yihiin: a) Axdiyaga caalamiga ah ee xuquuqaha Madaniga ah iyo Kuwa Siyaasiga ah (International Covenant on Civil and Political Right), kaasoo sheegaya in dhammaan aadanuhu leeyahay xaqa aaya ka tashiga, iyada oo taa laga duulayana ay xaq u leeyihiin go’aan ka gaadhista xaaladdooda siyaasadeed. b) Axdiga kale ee sugaya xaqa aaya ka tashiga ayaa isna ah Axdiga caalamiga ah ee Xaqa Dhaqaale, Bulsho Iyo ka Dhaqan kaasoo sugaya xaq lamid ah ka axdigaas hore dhigayo. Marka loo soo noqdo qaarada Afrikana  Axdiga OAU da ee la qaatay sanaddii 1963 ayaa isna  dalal ahaan u aqbalaya dhulalkii gumaysigu ka talinayay, iyada oo Qaraarkii 16(1) ee la qaatay July, 1964 na lagu cadeeyey in xuduudihii gumaysigu yihiin qaar lama taabtaan ah, xuduudaha jiroo dhammina ay tahay in ay waafaqaan xuduuddaa gumaysiga. Sidoo kale Qodobada II, III ee isla axdigani waxa ayka hadlayaan sida ay waajibka u tahay dhawrista iyo difaacista xuduudahaas gumaysigu ka tagay iyo madax bannaanida dalalku.

 

Xeerarkaas, axdiyadaas iyo heshiisyadaas iyo qaar kale oo badan oo jira ayay ahayd in ay soo dedejiyaan aqoonsiga Somaliland, mase dhicin!  Sababta ay u dhici wayday in uu garanayo siyaasiga kaliya ee muujiyay waa Muuse Biixi Cabdi.  Isaga oo taa ka duulayana  waxa uu Muuse kulanka habeenkaa ku  tibaaxay in ay inoo furanyihin dariiqooyin dhawr ah marka ay noqoto sida aynu dal ku noqonayno. Waxa uu soo qaatay dalalka sida Singapore iyo Japan oo aad loogu ixtiraamo horumaka dhaqaale ee ay sameeyeen iyo sida ay caqliga dadkooda uga faaiideeyeey iyaga oo aan khayraad badan oo dabiici ah lahayn; iyo dhanka kale Kooriyada Waqooyo oo iyana lagaga dhawrsado cududeeda ciidan iyo hub.  Marka sida ugu fudud loo dhigo hadalka guddoomiyuhu waxa uu u dhignaa Dadka Cabsi Iyo Dan  Ayuunbaa Is Maqashiiyee Keebaan Xooga Saarraa?’  Muuse waxa ka muuqatay aragtida ah in haddii gudaha laga shaqeeyo dibadduna hagaagi doonta sidaa daraadeedna uu xoogga saari doono in dalku gudaha ka dhismo.

 

Aragtidaa Muuse waa mid horusocodnimo kamuuqato marka la barbadhigo kuwa la tartamaya ee udub dhaxaadka dooddoodu tahay in ay dunida la hadli yaqaanaan ama la soo shaqeeyeen.  Waxa hubanti ah in aan dalkani u baahnayn qof dunida la soo shaqeeyey oo xilliga hawlgabkiisa halkan ku qaata e uu u baahanyahay qof dalkan ka shaqeeya.  Muuse Biixina waxa uu habeenkaa caddeeyay in jidka uu aqoonsiga u mari doonaa noqon doono shaqo iyo horumarinta dalkan ee aanu baryo iyo hadal madhan u mari doonin .

 

Abdinasir Ibrahim saacadaale is a researcher with FCTR and a lacturer in Public Policy and Strategic management.