Aragti: Bohosha Vs Biciide

Salaan sare dhamaan shaqaalaha websitekan mudan.

salaan ka dib.

Isbedel-bedelka Gudiga doorashooyinka somaliland gaar ahaan kuwa degmada Hargeysa oo ka noqday natiijadii hore ee hordhaca ahayd

taas oo noqotay mid aan looga baran komishankiii la yaqaanay,

Sikastaba ha ahaatee waxaa fajacisa noqotay markii la yidhi Xildhibaan soobaxay (Bohosha) oo la yidhi waad dhacday oo booskaagi waxaa qaatay

Xildhibaan(Biciide).

maba xuma in khalad la saxo laakiin waxaa jira waxyaabo u qaaadan waa’ noqonaya marka la yidhaahdo nin deegaan ah oo tuulooyinkii oo dhan waalagaaga soo codeeyay laakiin waxaa kaa badiyay nin ka yimi 700km iyo magaaladda Ceel-afweyn,

Madmadow badan ayaa arinkaa hadheeyay oo looma malaynayo inay Madaxtooyadu  ka dambayso deegaamaynta reerka.

Waxaan kulatalin lahaa Khadar Bohosha inuu iska samro oo walaalkii uu hambalyeeyo.

Wixii Ilaah qoray ayaa qoran.

Dr. Ciise Yaasiin Cali

Hargeisa Somaliland