AQOONYAHAN MAXAMED SALEEBAAN CUMAR: Murashax Baarlamaan, Maansayahan iyo Mufakar!‏

Sannadkii 2007-dii aniga oo ku maqan dalka Baakistaan ayaan akhriyay maqaal ku qornaa mareegta caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.com. Abbaartiisu waxa ay ka warramaysay socdaal ay wada galeen Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) iyo nin kale oo isaga arday u ahaa. Dabcan qudhaydu waxa aan ka mid ahay dadka aan oggolayn in Hadraawi laga xigo ee ardayda, ubadka iyo abaydinka u ah. Waxa ka muuqday farshaxannimo heer sarreysa iyo hufnaan loo bogo dhanka dhismaha, isku xidhka sheekada, hodantinnimada afka iyo hab-gudbinta.

Murashax Maxamed SaleebanGu’ kaddib ayaan dib ugu laabtay Jaamacadda Hargeysa. Saa waa qoraagii oo isaguna arday ka ah, waxa uu dhiganayay Kulliyadda Sayniska aniguna ta maamulka. Marka aanu iska soo hor-baxno salaan ayaanu isu gudbin jirnay. Keliya shaashadaha ayaanu inta badan iska naqaanay, waxa xogo wanaagsan oo ninkaas ku saabsan iiga warramay arday kale oo Jaamacadda nala dhigan jiray “waxa uu ka mid yahay dadka sida weyn u haya taariikhda Somaliland, sidoo kalena waa hal-abuur culus”. Warkiisu waxa uu ahaa mid i deeqay qof ahaan, sidaas ayaan u jeclaa in aanu is-aragno.

Sannadkii 2009ka waxa la qabtay tartan suugaaneed ay ka qaybgaleen ardayda Jaamacadda Hargeysi, waxa uu ka mid ahaa saddexda ugu sarreeya. Anigu xilligaasi xitaa is-reebreebka ma soo gelin, oo waxa aan ku hadhay kala-shaandhayntii kowaad. Aniga oo xusaya sidii ay u kala sarreeyeen, ninka aan ka sheekaynayaa waa mid ka mid ah saddexdan:

  • Abwaan Cabdirisaaq Muuse Carte, oo kaalinta kowad galay
  • Abwaan Maxamed Saleebaan Cumar oo loo suntay kaalinta labaad iyo
  • Abwaan Maxamed Aadan (Dheeg) oo ku guuleystay kaalinta saddexaad

Natiijada waxa lagaga dhawaaqay gole ay joogaan guddoonkii Jaamacadda Hargeysa ee xilligaasi oo kala ahaa Dr Bulxan iyo Dr Mubaarik Ibraahin Aar, ma illaawo doorkii uu qabanqaabada ka geystay Professor Odowaa oo ahaa Madaxa Arrimaha Ardayda. Fagaarahaasi waxa aan walaalladay ugu gudbiyay hambalyo mug iyo miisaan leh, iyada oo la xidhayay toddobaadka dhaqanka waxa aan madasha kaga muuqday billado aanu guddoonsiinnay guddoonka jaamacadda Hargeysa. Sidaas ayaanu baska ku soo raacnay annaga oo riyaaqsan. Waxa uu ka mid ahaa arday ka qayb-gashay dood ay maalin Jimce ah Idaacadda BBC-du u qabatay ardayda Jaamacadda Hargeysa. Haddii la weydiiyay maxaad doonaysaa in aad timaaddada (mustaqbalka) noqoto, waxa uu ku war-celiyay “Taas waan dedayaa, waa mid sir ii ahaanaysa” kkkkk. Haddiise aan male-awaalo malaha waa Madaxweynennimo uu u qalmo marka aan eego waxbarashadiisa, furfurnaanta, cabqariyadda, hal-abuurka iyo hoggaamintiisa oo ka muuqata goleyaasha iyo geyiyada uu joogo.

Ma illaawo in uu ka mid ahaa saaxiibbada sida guud iyo sida gaarka ahba ugu niyad-samaa tartan loo qabtay dhallinyarada Somaliland ee suugaanyahanka ah oo aan Mey, 2009kii noqday hal-abuurka loo aqoonsaday kaalinta labaad, iyada oo ay beretameyaan lix gobol. Waxa hormood noo ahaa Abwaan Budin oo reer Awdal ah, halka uu kaalinta saddexaad ka galay Abwaan Cabdi Geydh oo reer Saaxil ahi. Anigu Gobol-weynaha Maroodijeex ayaan ka socday. Hilaad ku siman bishii Mey 2009ka ayaanu is-wareysigii kowaad ku qaadannay faras-magaalaha Hargeysa, aroor hore ayaanu ka soo wada jarmaadnay dhanka Jaamacadda Hargeysa oo aanu ku kulannay kaddibna waxa aanu galabnimo ku ballannay Obama Hotel. Halkaasi waxa aanu ku wadaagnay waayo-aragnimo ku saabsan aqoonta, nolosha iyo waayaha dunida.

Waa dabar isku haya bulsho badan. Kolkii aanu jaalka noqonnay waxa aanu wada tegi jirnay madalo aan aqoon isugu yeelannay suxufiyiin, siyaasiyiin, hal-abuurro, mujaahidiin iyo mudanka bulshada. Mudanahani waxa uu ka mid yahay ragga iiga aqoonta badan dhaqanka, afka, taariikhda iyo suugaanta Soomaalida. Waa mid ka mid ah raad-raacyada aan ula noqdo maaraynta xaajooyinka iyo mus-dambeed ii tirsan. Waxa uu ka mid yahay dhallinyarada Somaliland ee isu kaashanno dhinaca togan, axdiga noo yaallaa waa mid gaadhsiisan in aan goor iyo goobna lagu kala hadhin, illaa inta la xaqiijinayo in aanu gaadhno heerka ugu sarreeya dalka.

23kii Juun 2010ka ayaanu u safarnay Burco annaga oo ah ardayda Jaamacadda Hargeysa, waxa uu ka mid ahaa ardaydii aanu wada soconnay. Waxa aanu si hufan uga wada hawl galnay doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee qabsoontay 26kii Juun 2010ka. Kolkii uu dhammeeyay Jaamacadda Hargeysa waxa uu ka hawl-galay qaybta xidhiidhka dadweynaha ee Shirkadaha Dahbashiil, sannad kaddibna (2011) waxa uu uu bilaabay in uu si madax bannaan u aasaaso xarun saxaafadeed ah oo Weedhsan Corporations oo ka kooban mareeg iyo wargeys-xilliyeed (magazine) la daabaco bishiiba hal mar. Marka laga yimaaddo saxaafadda, waa oday dhaqameed dadka isu soo jiida, waxa aan xasuustaa doorka uu ka qaatay tanaasul uu sameeyay murashax ka tirsanaa Ururkii Dalsan oo suurtogeliyay in uu soo baxo Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo KULMIYE uga tartamayay Burco, doorashooyinkii Goleyaasha Degaanka ee qabsoontay 28kii Nofember 2012ka.

Maxamed Saleebaan Cumar waxa uu Culuumta Suuq-geynta oo ah Shahaadada Master ku qaatay dalka Uganda 2013-2014ka, hadda waa murashax u tartamaya Goleyaasha Wakiillada Somaliland, isaga oo ka loollamaya Gobolka Togdheer. Hankiisa siyaasadeed waxa uu kaga dhawaaqay madal bilan oo ay waxgarad, cuqaal, abwaanno, dhallinyaro iyo qaybaha bulshadu isku arkeen oo 02dii Disember 2014ka ka dhacday Deero Hotel ee magaalada Burco. Marka aan eego abaabulkiisa sare oo bilaaabay muddo laga joogo sannad iyo taageerada baaxadda leh ee uu haysto waxa aan ugu wan-qalayaa Xildhibaan Maxamed Saleebaan Cumar, waxa ii muuqata in uu ka mid yahay shan iyo tobanka Xildhibaan ee ka soo baxaya Gobollada Togdheer, Daad-madheedh iyo Buuhoodle marka ay qabsoonto doorashadu haddii Alle idmo.

Si kasta oo ay tahay waxa aan soo dhaweynayaa hanka iyo himilada siyaasadeed ee saaxiibkay, walaalkay iyo hanadka aan abtiga u ahay ee Maxamed Saleebaan Cumar. Waxa la joogaa xilligii ay dhallinyaradu ka qayb geli lahayd, lana wareegi lahayd fagaaraha hoggaaminta qaranka oo ay muddo badan daawadayaal ka ahaayeen, Maxamedna inta hammigaas leh ayuu udub-dhexaad u yahay. Dadkana, gaar ahaan reer Togdheer waxa looga fadhiyaa taageero hagar la’aaneed.

 

Imaam Siciid Maxamuud Gahayr

Hargeysa