Aqoonyahan dhaliilay Qaabka Xulashada Masuuliyiinta gobollada Bari ugu jira Xukuumadda iyo Saamaynta ay ku leeyihiin

latest SL newsHargaysa (SLpost)-  Aqoonyahan Cabdikariin Saalax Maxamuud oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobollada Bari ee dalka, ayaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay dib-u-dhac ka jira horumarinta adeegyada bulshada ee gobollada Bari, isaga oo taas ku sababeeyey masuuliyiinta xukuumadda ka tirsan ee u dhashay gobolladaas oo magacaabistooda loo maro nin jeclaysi balse aan loo eegin kartida iyo magacyada ay bulshadooda ku dhex leeyihiin.

Cabdirkariim Saalax waxa uu xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inay wax ka beddeshay habka xulashada masuuliyiinta xukuumadda ugu jira gobolladaas oo uu ku dooday in horumarka iyo isbeddelka adeegyada bulshada gobolladaasi ku xidhan tahay kartidooda iyo Aqoonta ay u leeyihiin bulshada deegaanka.

Cabdikariim oo shir-jaraa’id ku qabtay Hotel Xaraf ee magaalada Hargeysa maanta, waxa uu ku dooday inay jiraan caqado ku gedaaman xidhiidhka bulshada gobolladaas iyo xukuumadda Somaliland, si taas looga baxana loo baahan yahay in siyaasad cad laga yeesho deegaannadaas oo hanasho la’aantoodu dhaawac weyn ku tahay jiritaanka qaranimada Somaliland, sida uu Cabdikariim ku dooday.

“Waxaan Salaamaya Saxaafada Madaxa Banaan, anigoo Shirka jaraaid u qabtay in aan ku caddeeyo una iftiimiyo Salaadiin, Cuqaasha, Waxgarad, Aqoonyahan iyo qof kastoo u damqanaya oo jecel wada jirka guud ahaan Bulshada Somaliland. Xaalada Guud ee Siyaasadeed ee ay Somaliland ku sugan tahay waqti xaadirkan, waxaad la socotaan Lasoo noqoshadii Somaliland waxay iminka maraysaa 24 sanadood. Haddaba, 24kaa sanadood ee ay Somaliland jirtay, waxaa muuqata oo aan la dafiri Karin in gobolada qaar ay dadaal iyo horumar balaadhan ka gaareen dhinacyada Tacliinta Sare, dhinacyada nabadgelyada, dhinacyada adeegyada bulshada ka iyo Waddooyinka. Halka 24-kaa sanadood ee ay Somaliland jirtay, waxaa iyana muuqata oo aan la dafiri Karin in gobolada qaarkoodna ay weli taagan yihiin ZERO, dib u dhac fara badanina uu ka muuqdo dhinacyada Tacliinta Sare, nabadgelyada, infrastructure ka, Waddooyinka iyo dhamaan adeegyada arimaha bulshada,” ayuu yidhi, isagoo intaas ku daray, “Hadaba, Waxaa is weydiin leh waxa sababay dib u dhaca intaa le’eg iyo colaadaha soo noqnoqonaysa ee aan dhamaanaynin ee ka jira degaanadaa? Waxaynu odhan karnaa waxaa masuuliyadoodii dayacay xukuumadihii soo maray Somaliland oo dhan, haba ugu darnaato xukuumadda iminka talada haysa oo iyadu caadaysatay in ay mar walba adeegsato shaqsiyaad iyagu dano gaar ah leh, oo aan marnaba daacad ka aheyn in horumarka iyo nabedgelyada ay goboladani ku talaabsadeen la gaadhsiiyo gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn. Waxay xukuumada talada haysaa caadaysatay in ay xilalka u dhiibto niman ay abti u yihiin iyo kuwo ay ooryo walaal yihiin, iyo kuwo kale oo ku ladhan oo dilaaliin ah, oo iyagu u dhexeeya shacabka iyo xukuumada Somaliland, Shaqsiyaadkaas oo marna xagaa dab kasoo shida iyo colaad, marna xagan xoolo iyo libinba ka qaata xukuumadda talada haysa.”

Aqoonyahankani waxa uu dhaliilay wax-qabadka masuuliyiinta xukuumadda kaga jira Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle marka laga reebo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed oo uu ammaanay. “Sidaan hore u sheegayba Masuuliyiinta ka tirsan xukuumada Somaliland ee kasoo jeeda degaanada Sool, Sanaag iyo Cayn, ha ahaadeen kuwii hore u joogay iyo mid dhowaan la magacaabayba waa kuwo ehelnimo kuyimid ee aan ku iman karti iyo aqoon kursiga, oo aan wax dan ah haba yaraatee ka laheyn bulshada degan degaanada ay kasoo jeedaan ee Sool, Sanaag iyo Cayn, marka laga reebo wasiirka caafimaadka oo isagu si siman oo daacad ah ugu adeega dhamaan bulshada Somaliland. Waxay Nimankaasi ay dibeda dhigeen haldoorkii, aqoonyahaniintii, waxgaradkii iyo salaadiintii ay beeshaasi laheyd ee iyagu ka mid noqon lahaa talada dalka isuna soo dhoweyn lahaa bulshada walaalaha ah,” Sidaas ayuu yidhi Cabdikariim.

Cabdikariim waxa uu xukuumadda u soo jeediyey, “Waxaan usoo jeedinayaa xukuumadda Somaliland ee talada haysa inay u marto jid ka duwan kii hore ee masiirka iyo hab-xulashada masuuliyiinta ka soo jeeda degaanada Sool, Sanaag iyo Cayn,si loo arko degaanadaas oo la wada degan yahay, degaanadaas oo la wada leeyahay, degaanadaas oo nabad ah, degaanadaas oo horumarku gaadhay, degaanadaas oo iftiimaya iyo Sidii Xal iyo Midnimo Waarta Loogu Heli Lahaa jiritaanka iyo Midnimada Dalkan iyo Dadkan Min Bari ilaa Galbeed,” ayuu yidhi.

Waxa uu ka warramay uu sheegay in Aqoonyahanka Beelaha gobolladaasi kaga tashanayaan aayahooda oo dhowaan ku qabsoomi doona waddamada Ingiriiska iyo Maraykanka. “Haddii xaalka Somaliland uu sidaa yahay, waxaanu ku balansan nahay dhamaan waxgaradka, qurbo joogta iyo aqoonyahanada beesha Sool, Sanaag iyo Cayn, shirguud oo dhowaan ka dhici doona magaalada London ee Carriga UK iyo gobolka Menisotta ee dalka Maraykanka oo aan anigu ka qeyb gelayo, shirkaas oo ah mid lagaga arrinsanayo danaha beesha iyo sidii laga yeeli lahaa masiirka bulshada degta degaanada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ay dayacday xukuumaddu,” ayuu yidhi Aqoonyahan Cabdirkariim.