Aqoon Yahan Jiir oo Sheekh Adan Siiro Xaal Ka Siiyay Beentii Laga Sheegay, Canbaareeyeyna Xayiraadii Wargeyska Hubaal

aqoonyahan-jiirAqoon Yahan Jaamac Cilmi Jiir Ayaa Si Xaal Siiyay Sheekha Caanka Ah Ee Sheekh Adan Maxamud Xiiray(Sheekh Adan Siiro) oo maalin dhaweyd maamulaha shabakada somalilandtoday been ka sheegay sheekha ,iyada oo wiilkaasi yari meel kaga dhacay sheekha waayo waxa uu ku tilmaamay hogaamiye kooxeed marka uu yidhi sheekha ayaa dhalinyaro hubeyey oo yidhi dagaalama ,waxaasina waa wax la isku xakamayn karo ,sababta oo ah warka noocaasi ahi ma aha mid la iskaga hadhi karo oo inta uu wiil yar oo u adeega wasiir xirsi isla markaana isku laynaya wasiirka madaxtooyada oo adeer u ah in uu cida uu doono sida uu doona war been ah uga sheego.

Hadaba markii aan arkay warkaasi beenta ah ee wiilka yari doonayay in uu sheekha sumcadiisa ku dilo ayaan go´aan saday in aan sheekha weyn ee Adan Siiro xaal siiyo oo aan idhaahdo sheekh waan ka xumahay warkaasi beenta ah ee uu wiilka yarin ka faafiyay ee insha Allah xaal qaado.

Sidoo kale aqoon yahan jiir ayaa si adag u canbaareeyey xayiraadii ay xukuumada siilaanyo ku soo rogtay wargeyska madaxa banaan ee Hubaal iyada oo uu aqoon yahanku ku tilmaamay inay arintaasi muujinayso sida ay xukuumada siilaanyo ugu tumanayso xoriyatul qowlka saxaafada, Isla markaana wuxuu ku eedeeyey xukuumada siilaanyo inay ka naas naasi doonto hadii aysan joojin cabudhinta iyo caga juglaynta joogtada ah ee ay ku hayso saxaaafda xorta ah, aqoon yahan jiir ayaa yidhii xukuumada waxa looga fadhiyay inay cadaalada hor keento ciidankii booliska ahaa ee  ay soo abaabushay madaxtooyadu ee lagu doonayay in lagu dilo maareeyaha wargeyska HUBAAL Mr Calooley balse ilahay ka badbaadiyay isku daygaasi dilka ahaa , iyada oo ay shacabak reer somaliland ka sugayeen xukuumada sidii dadkaasi danbiilayaasha ah maxkamada loo soo taagi lahaa ayaa hadana la xayiray wargeyskii HUBAAL arintaasi waxay tilaamaysaa inay xukuumadu ujeedo kale iyo iska hor keen doonayso ,basle aan la garanayn waxa ay ka faa´iidayso.

Aqoonyahan Jiir ayaa ugu baaqay saxaafada xorta ah dibed iyo gudaba is garabtaagto sidii ay ugu hiilin lahayd xayiraada la saaray wargeyska HUBAAL, isla markaana waa inay saxaafada xortda ahi ka dhiidhitaa cabudhinta iyo caga jugleynta joogtada ah ee lagu hayo saxaafada, waana inay soo bandhigtaa siraha badan ee ay ka hayso xukuumada siilaanyo hadii ay noqon lahayd markii uu siilaanyo ahaa gudoomiyihii SNM oo wax badan lagu eedeeyo oo ay ka mid ahayd qabyaalada oo xitaa ragga dhaawaca ah waxa uu u diri jiray dibada dhalinyaro uu adeer u ahaa ,maalin dhaweyd waxaa ii xaqiijiyey arintaasi nin waqtii SNM uu siilaanyo dhoofiyey ninkaasi waxa uu igu yidhi anaga oo ah 30 dhalinyaro ah ayuu siilaanyo naga diray dalka suuriya aniga kaliyay ayaa ka ahaa ama ka soo jeeday beesha Habar Awal 29 kale waxay ahaayeen dhalinyaro uu siilaanyo adeer u ahaa, waxana uu noo diray dalalka yurub sidaasi oo kale ayuubay meel kasta uu siilaanyo dhalinayarada beeshiisa ugu diri jiray dalalka yurub ayuu yidhi ninkaasi, hadaba saxaafada xorta ahi waxay awood u leedahay inay soo bandhigto sirihii badnaa oo xitaa ay ku jiraan qaar khatar ah oo siilaanyo maxkamad lagu soo taagi karo ,waxaase oo dhan waxaa haya saxaafada xorta ah oo ilaa hada la saayiraysa xukuumada siilaanyo iyo inta ku xeeran oo la hayo sirahoda balse hadii ay joojin waayaan cabudhinta saxaafada xorta ah danba waa loo soo bandhigi.

Qalinkii: Aqoon yahan Jaamac Cilmi Jiir

Hargeysa/Somaliland.