“Annaga Iyo Shacbiga Somaliland Dad Hadda La Isbarayo Ma Nihin, Dhalasho Iyo Dhul Ayaanu Wadaagnaa” Prof: Cali Khaliif Galaydh

Hargeysa  (SL.Post)  Hoggaamiyaha Khaatumo Prof:  Cali Khaliif Galaydh, ayaa shaaca ka qaaday in wadahadal u bilaabmay Somaliland, isla markaana si fiican wejiga koowaad ugu bilaabmay, rejaynayaanna inuu guul ugu dhammaado wadahadalkaasi.

 

 

 

Prof: Cali Khaliif Galaydh, oo Buuhoodle ka hadlay  waxa uu sheegay in wadahadalku dan iyo maslaxad ka dhaxaysa labada dhinac sidii ay isula afgaran lahaayeen la xidhiidho, waxaanu sheegay in intii Madaxweyne Axmed-Siilaanyo hoggaaminayey Somaliland dhibaatada dadka Khaatumo ku abtirsada la gaadhsiiyey inaan weligood illaa wakhtigii Daraawiishta la gaadhsiinnin. Hase-yeeshee, waxa uu ku dooday in dan badan iyo maslaxad badani ka dhaxayso Somaliland iyo Dadka Reer Khaatumo oo dabcan reer Somaliland ah, waxaanu sheegay in qodobbada ay ka wadahadlayaan labada dhinac kala duwan yihiin, oo qoloba Shuruudo wadato, laakiin inta illaa hadda la isla-gaadhay ay si fiican wax ugu socdaan. “Hadal bilow ah ayaa meeshaas [shirka Caynabo] kasoo baxay, waa hadal aad iyo aad u fiican oo aanu kaga wada hadlayno danaha naga dhexeeya Somaliland iyo inta badan ee aanu annagu gaar u leennahay.”

 

 

 

Sidaasi ayuu yidhi Cali Khaliif Galleydh, waxaanu intaa ku daray  “War illaa dorraad aan ku celcelinayay oo Shiinuhu ay ku maahmaahaan baa waxa ay tahay ‘ safar saddex kun oo sanno qaataa hal tallaabo ayuu ku bilaabmaa , markaa hadda bilowgaasi si fiican buu noogu bilaabmay, wada hadallo kale oo Khaatumo iyo Somaliland ay geli doonaanna waanu u ballansannahay, dan gaar ah oo ay Khaatumo ka wadataana ma jirto. (mida kale) annaga iyo shacbaga Somaliland iyo xukuumadda Somaliland dad hadda la is barayo ma nihin, dad ka ab-ka-ab wada degennaa baanu nahay oo dhul iyo dhalasho wadaaga ayaanu nahay oo si naloo kala saaro oo badaniba aanay jirin baanu nahay. Hadda taas micnaheedu maaha indhaha inaanu ka qarsanayno xukuumaddan Somaliland ee Saaxiibkay Axmed-Siilaanyo uu maanta  madaxda ka yahay inta uu na gaadhsiiyey illaa waqtigii Deraawiishta inaanay jirin cid na gaadhsiisay.” Ayuu yidhi Mr. Galleydh.

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa