“Anigu Waxaan Ahay Musharaxa Madaxweyne-xigeenka WADDDANI, Cid Aan Uga Tanaasulayaana Ma Jirto”Axmed Muumin Seed

Hargeysa (SL.Pots) Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Axmed Muumin Seed isla markaana u tartamaya jagada Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Waddani, ayaa sheegay inuu yahay musharax, waxaanu waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu ka tanaasulayo jagadan Musharaxnimo.

 

axmed-muumin-seed11111111

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Axmed Muumin Seed oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey halka ay u marayaan hawlaha murashaxa madaxweyne xigeenka xisbigaas, wuxuu yidhi  “Anigu waxaan ahay Musharaxa u taagana una tartamaya jagada Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Waddani dhexdiisa, waan isku kalsoonahay, kalsooni baanan ku tartamayaa,kalsooni baan isku soo sharaxay, meel wanaagsana wax wey ii marayaan”.

Mar aanu wax ka weydiinaya wararka sheegaya inuu tanaasulayo tartankaas ayaa ku jawaabay “Wararkaasi waa been abuur, anigu ma tanaasulayo, niyadaydana kuma jirto in aan tanaasulo, waan isku kalsoonahay, anigu cidna gaar lidi uguma ihi, cidna kama soo hor jeedo, cidna kama xumi.cid walba oo igula tartamaysa jagada Madaxweyne ku xigeenkaan oo Xisbiga ka tarsani kama xumi,qof walba wixii ALLE u qoray ayuu helaya, haddii uu aniga ALLE ii qoray in aan Kursigaas helana waan helayaa, haddii aanu ii qorina heli maayo, markaas cid aan anigu si gaar ah u necebahay ama aan xaasidayaa ma jirto, cid aan musharaxnimada uga  tanaasulaya ma jirto, calafkayga ayaan sugayaa”.

Shirka golaha dhexe ee xisbiga Waddani, ayaa qabsoomaya horaanta bishan Oktoobar, waxaana qodobada uu shirkaasi go’aan ka gaadhi doono ugu muhiimsan doorashada murashixiinta madaxweynaha iyo madaxweyne-xigeenka.

 

 

Somalilandpost.net