“Anigu Facebook Ma Isticmaalo” Taliye Fadal

Hargeysa, (SLpost)- Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal iimaan ayaa markale ku ciliyay inaanu isticmaalin shabakadda facebook, isla markaana aanu bar ku lahayn.

Taliye Cabdilaahi fadal ayaa oo cabasho xoogan ka muujiyay  dadka magaciisa iyo sawirkiisa ku isticmaala Shabadda Facebook ayaa digniin u diray dadkaasi.

“Waxaan markale ku celinayaa Facebook aan leeyahay oo aan isticmaalo haba yaraate ma jiro, cidda magacayga ku isticmaasha facebook-ga waa inay joojiyaan oo ay ka waan toobaan been abuurkaa ay sameynayaan” Taliye Cabdilaahi Fadal ayaa sidaasi yidhi.

Cabdilaahi fadal Iimaan ayaa ku biiray dad badan oo dhibaneyaal u ah isticmaalka shabakadda Facebook kadib markii dad ay soo baxeen dad adeegsanaya magaca iyo sawirkooda.