“Aniga Oo Wax Dilli Kara Duco Qaadan Maayo: Waan idhi  laakiin Waxa Si Khaldan U Turjumay Cukuse” Muuse Biixi

 

SLpost(Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay hadal xanaf badan ku dhex abuuray bulshada Somaliland, kaas oo laga soo wariyay inuu ku tiraabay xiligii dagaalada sokeeye ka socdeen dalka Jamhuuriyadda Somaliland dawladdii Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal, wakhtigaas oo uu aha Wasiirkii Arrimaha Gudaha sanadihii,1994.

 

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo xalay Su’aalo toos ah lagu weydiinayay Barnaamij uu soo qaban-qaabiyay TV-ga afka soomaaliga ku hadla ee HCTV, ayaa waxa ka mid ahaa su’aalihii la weydiiyay  mid soo jiidatay dhammaan dadkii barnaamijkaas daawanayey iyo intii goobta ku sugnayd taas oo uu weydiiyay Wiil dhalinyaro ah oo Magaciisa ku sheegay Cabdiwahaab Xasan Ismaaciil, wiilkan ayaa markii uu helay fursadda su’aasha uu qabo oo ahayd mid ka badatay dhagaha dadka maqla magaca Muuse Biixi Cabdi wuxuu si kalsooni ku dheehantahay u yidhi.  “Guddoomiye maadama oo aad doonayso inaad Somaliland Hoggaamiye ka noqoto waxaa jira qayb kamid ah shacbiga Somaliland oo tabanaaya weedho hore oo aan wali bogsan kuwaas oo aad berri cod ka rabto, tabashadaasi waxaa weeye waxaad tidhi sannadkii 1994-kii addiga oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka. “Anigoo  Wax Dili kara Duco Qaadan Maayee, Dagta Qorigu Hay Jaro” maxaad ka odhan lahayd hadalkaas?

Muuse Biixi ayaa eedda faafinta weedhaas wuxuu dusha ka saaray Wasiirka warfaafinta ee imika Cabdillaahi Maxamed Daahir (CUKUSE). Wuxuuna markii ugu horeysay qirtay inuu weedhaas yidhi balse si khaldan loo turjumay cida u qaloocisayna ay tahay Wasiirka Warfaafinta Mr. Cukuse. “Weedhaas waan idhi waxaanan ka idhi khayryadda, waxaanan anigu ula jeeday Soomaaliya cidda sida khaldan u turjuntay waa Cabdillaahi Cukuse oo ah Wasiirka Warfaafinta.” Sidaa ayuu yidhi Mud. Muuse Biixi Cabdi.

Weedhan  “Anigoo  Wax Dili kara Duco Qaadan Maayee, Dagta Qorigu Hay Jaro“. waxay kamid ah xasuusaha go’i waayay ee markasta lagu soo hadal qaado dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay iyo wasiirnimadii arrimaha gudaha ee Muuse.

Si kastaba ha ahaatee barnaamijkan xalay su’aalaha lagu waydiinayey Muuse Biixi Cabdi horana lagu soo waydiiyey labada guddoomiye ee WADDANI iyo UCID ayaa aad u xammaasad iyo xiiso badnaa. Barnaamijkan ayaa faa’iido badan u leh bulshada wax dooranaysa haddii ay cabbirayaan qaabka ay su’aalaha uga jawaabayaan hogaamiyayaasha xisbiyada iyo waxa ay bulshada u qaban karaan haddii loo codeeyo.