‘Aniga oo ah Boobe Yuusuf Ducaale, waxaan halkan tacsi uga irayaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Cabdi-weli Faarax Jaambiir’

Aniga oo ah Boobe Yuusuf Ducaale, waxaan halkan tacsi uga irayaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Cabdi-weli Faarax Jaambiir.

Waxa kale oo aan ka tacsiyadaynayaa Wargeyska Ogaal. cabdi-weli Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo.

Cabdi-weli wuxu ahaa weriye iyo tifaf-tire curin iyo hal-abuurba lahaa. Suulkiisii iyo saxeexiisiiba wuxu kaga tegay saxaafadda guud ahaan, gaar ahaanna TV-ga iyo warqadda daabacan.

Ilaahay ha ka abaal-mariyo dedaal badnaa iyo naf-hurkii la yaabka lahaa ee uu sameeyay intii uu noolaa. Wuxu ahaa tifaf-tirihii aan ugu xidhiidhka badnaa oo aanu marxalado badan isla soo marray.

Xataa intan uu xanuunsanayay ayuu Burco igala soo xidhiidhi jiray. Ilaahay ha u naxariisto.