Amnesty oo si kulul uga hadashay Ciidanka Kenya qab qabashada lagu Bartilmaameed Sanayo Soomaalida ku nool Dalka Kenya

Amnesty(SLPOST)Hay’ada amnesty international ayaa war bixin kasoo saartay talaabada ay ciidamada amaanka Kenya ay ku beegsanayaan qoomiyada Soomaalida ah ee ku nool magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxana ay talaabooyinkaasi ay ku tilmaamtay xalaad kaluumaysi ah ay xukuumada Kenya u adegsanayso olaleehada ka dhanka ah argagexisada.

amnistyAmnesty ayaa ku eedeysay dawlada Kenya in bishii December ee sanadii 2011-ka ay joojisay diiwaangalinta qaxootiga Soomaalida ah xiligaasina ay mudnaayeen in dib loogu soo celiyo dalkooda balse qab qabashada imika  lagu hayo ay tahay mid ku takri fal xaquuqda aadama ah.

Ku xigeenka agaasimaha barnaamijyada Africa ee hay’ada amnesty international Michelle Kagari ayaa sheegay in xukuumada Kenya ay ciqaabayso Soomaalida magangalya doonka ah iyadoo ku andacoonayso in ay sugayso amaanka dalkeeda.

Muwadin Soomali ah ayaa u sheegay amnesty in ay la kulmeen raaf,garaac iyo xadhig sharci daro ah oo ay kala kulmeen ciidamada amaanka oo iyaga oo guri guri u gaalayay xaafada ay ku badan yihiin Soomaalida.

Xukuumada Kenya ayaa ku andacooneysa in ay qaaday hawlgalo ka dhan ah argagaxisada iyo dadka sida sharci darada ah ku jooga dalkaasi waxana ay qabatay ku dhawaad 4000-qof oo Soomaali ay u badan yihiin.

Michelle Kagari ayaa falkaa  lagu hayo Soomaalida ku sheegay mid isir faquuq ah ayna sare usii qaadi karto amnidarida ay dalkaasi Kenya.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland