Amnesty Oo Ciidamadda Isra’iil Ku Eedeysay Dilalka Xadhaafka ah Ee Falastiniyiinta

Isra’iil (SLPOST) Warbixini kasoo baxday hay’ada Amnesty International ee xuquuql insaanka ayaa lagu sheegay in sanadkii lasoo dhaafay 2013 ay ciidamada Isra’iil dileen dad badan oo reer Falastiin ah.israilFalastiin-

Warbixintan ayaa lagu sheegay in ciidamada Isra’iil ay sanaadkii lasoo dhaafay 2013 dileen Falastiiniyiin ka badan tiradii la dilay sanadadii 2011 iyo 2012 oo la isu geeyey.

 

Ciidamada Isra’iil ayey Amnesty International ku eedaysay inay rasaas la beegsadaan dadka reer Falastiin marka ay banaanbaxyada dhigaan, xataa hadii ay dadkaasi yihiin kuwo si nabad ah ku mudaharaadaya.

 

Waxaana warbixintan lagu sheegay in dadka la dilay ku jiraan caruur badan oo aan qaan-gaadhin.

Somalilandpost.net

Office/Hargeysa/Somaliland

Somalilandpost@live.com