Ammaanka Muqdisho oo la xoojiyey iyo Jidadka oo gebi ahaanba laga mamnuucay Gaadiidka

MuqdiMuqdisho (SLpost)- Ciidamada Soomaaliya ayaa la sheegay inay xidheen gebi ahaanba wadooyinkii caasimada Muqdisho shalay ka hor kulanka maanta markii koowaad la filayo inay ku yeeshaan wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD dalkan dagaaladu ragaadiyeen labadii qarni e eu dambeeyey.

“Amaanka aad ayaa loo adkeeyey, sababo la xidhiidha wufuuda shirka IGAD,” ayuu sheegay Daud Aweys, afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, maadama imaatinkii wufuudu bilaabmay.

Wasiirada arrimaha Dibedda wadamada Djibouti, Itoobiya, Kenya iyo Uganda oo ciidamo gaadhaya 22,000 ka joogaan Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan kulanka manta, sidoo kale wadamada Sudan iyo Koonfurta Sudan ayaa la filayaa inay wefdiyo u soo dirtaan shirka.

“Qododbada shirka IGAD ee maanta ayey ka mid noqon doonaan arrimaha amaanka, dib-u-heshiisiinta iyo qodobo kale,” ayuu Aweys raaciyey.

Tobonaan gawaadhida gaashaaman ee ciidamada iyo booliis ayaa gaafwareegaya wadooyin maleeshiyaadka Shabaab si joogto ah weeraro uga geystaan.

“Dhamaan wadooyinkii waa la xidhay, isla markaana dhaqdhaqaaq kama jiro Muqdisho,” ayuu yidhi Cali Macow, oo dukaan ku haysta badhtamaha magaalada.

“Ciidamada amaanku waxay xidheen dhamaan wadooyinkii, ma garanayno inta ay xidhnaan doonaan, ma jiro gaadhi shicib leeyahay oo wadooyinka maraya,” ayey tidhi Istaahil Muxiyadiin, shacabka magaalada ka mid ah.

Kulanka IGAD ayaa ku soo beegmaya ka dib markii bishii hore baarlamaanka Soomaaliya u codeeyey raysal-wasaare cusub oo dalkaasi yeesho Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ka dib markii khilaaf xoogan oo dhexmaray Madaxweyne Xasan uu xilkiisii ku waayey raysal-wasaarahii hore.

Qaramada midoobay, Maraykanka iyo Midowga Yurub oo taageera xukuumada taagta-daran ee Soomaaliya ayaa dhamaantood ka digeen in khilaaf awoodeed halis gelin karo dalkan taagta daran.