Alshabaab oo weeraray meleteriga Kenya

Somaliya(SLpost)-Warar hordhac oo ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Alshabaab ay saaka waaberigii weerareen Ceelcade

Ceelcade waxaa degan meleteriga Kenya oo qayb ka ah Amisom,Alshabaab ayaa gaadhi qarax laga soo buuxiyay ku dhuftay xerada ka dibna waxaa bilowday dagaal toos ah

Dadka deegaanka oo bilaabay inay qaxaan ayaa BBc-da u xaqiijiyay dagaalkan inuu aad u xoogan yahay,Ma jiro wax warar ah oo la xidhiidha qasaaraha dagaalka balse weli waxaa socda dagaalka oo la maqlayaa

Kenya ciidankeeda ayaa dhowr saldhig ku leh gobolka Gedo. ceelcade waxay u dhowdahay magaalada Garbahaareey.