Alle Ha Unaxariistee Waxaa shil gaadhi ku geeriyoodey Maxamuud Aw Siciid

Hargeysa(SLpost)-Shil baabuur oo galabta ka dhacay deegaanka Maqaaxida Inanta ee duleedka Galbeedka Hargeysa ku geeriyooday Maxamud Aw Siciid oo ay walaalo yihiin ganacsadaha caanka ah ee Maxamed Aw Siciid.

shil

Sida ay noo xaqijiyeen ila wareedyo ku sugan cusbitaalka magaalada hargaysa Ilaa hada waxa ay dhaawacayo halis ahi soo gaadheen laba kale oo ka mid ah shaqaalaha shirkadda Somcable kuwaas oo kala ah Cumar Saalax iyo nin kale oo magaciisa la yidhaahdo Sawaaxilli

Maydka Marxuumka iyo tiro dad ah oo dhimashoi iyo dhaawacyo kasoo gaadheen shilkaa la geeyay Cusbitaalka Hargeysa, iyadoo aan si dhab ah ilaa hada loo ogayn tirada rasmiga ah ee dhaawaca iyo dhimashada shilkaa oo uu sababayay kadib markii sida wararka hordhaca ah sheegayaan laba gaadhi oo mid ay leedahay shirkadda Somcable iyo gaadhi Dyne ah isku dhaceen.

Somalilandpost.net

Hargaysa