Alla ha unaxariistee Abwaan Cali Banfas oo Casarkii lagu aasay magaalada Hargaysa

Hargeysa(SLpost) Alla ha u naxariistee waxa goor dhaweyd xabaalaha Xeedho ee waqooyiga Hargeysa lagu Aasay Marxuum Macallin, Mujaahid, Abwaan Cali Xasan Aadan (Cali Banfas) oo saaka ku Geeriyooday magaaladda Hargeysa.

Marxuum Cali banfas waxa aaskiisa ka qayb galay dadweyne kala duwan, Siyaasiyiin, Suugaan yahano iyo eheladiisa waxaana loo sameeyay Aas sare oo lagu maamuusayay taariikhdii Halgan iyo tii suugaaneed ee uu ku can baxay mudadii uu If-ka ku noolaa.

cali banfas

Marxuum Cali Banfas wuxuu ahaa Halyay suugaantiisu biyo kama dhibcaan ahayd isla markaana ku ifin jiray dariiqa qaldan ee uu arko iyo sidii looga bixi alahaa, waxaanu ahaa Abaabule suugaantiisu dhinacyo badan taaban jirtay gaar ahaana wakhtiyadii halganka iyo Macalinimadiisiiba.

Marxuum Banfas waxa in muddo ah ku soo noq noqday xanuun isagoo xanuuunkiisii ugu danbeeyay uu ku haleelay Dalka Ingiriiska oo uu ku soo booday dhinac Qalal ama Istarook mar uu u tagay bandhig dhaqameed halkaas uu kaga qayb galayay.

Marxuum Banfas Alla ha u Naxariistee waxa uu If-ka ka xijaabtay saaka subaxnimadii waxaana salaadii Casar ka dib lagu duugay xabaalaha Xeedho.

Somalilandpost.net

Hargaysa

Â