Al-shabaab Oo Soo Bandhigtay Sawirada Weerarkii Janaale Ee Ciidamada AMISOM Ay Ku Laysay

 

Muqdisho(SLpost)-Al-shabaab ayaa soo Bandhigtay Maanta SAWIRRO Muujinaya Weerarkii ay 01-dii bishan September ku Qaadday Saldhig Ciidanka AMISOM ku leeyihiin deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo sheegay inay ku dileen Weerarkaas Askar fara badan oo ciidamada AMISOM ee dalka Uganda ka socda ka tisranaa.

Weerarka oo ahaa kii ugu xumaa oo ay Al-shabaab ku Qaaddo Saldhigyada AMISOM ay ku leedahay Gobolka Shabeellada Hoose, Marka laga reebo Weerarkii horay ugu qaadday Saldhiga AMISOM ee Leego oo ay ku dileen in ka badan 60-askari oo ciidanka AMISOM ka tirsan.

201597635772055315072518Al_Shabaab_Saldhiggii_Jannaale (9) 201597635772054747659068Al_Shabaab_Saldhiggii_Jannaale (3) 201597635772053712368866Al_Shabaab_Saldhiggii_Jannaale (1) 201597635772056266548518Al_Shabaab_Saldhiggii_Jannaale (14) 201597635772056106091071Al_Shabaab_Saldhiggii_Jannaale (13) 201597635772055567959420Al_Shabaab_Saldhiggii_Jannaale (11)

Sidoo kale, Al-shabaab oo Sawirradaan kusoo bandhigtay website-yadooda ayaa xustay in saldhiga ay ka qaateen Saanado Millateri oo isugu jira hub iyo qalab kale oo ay AMISOM lahaayeen; inkastoo taliska guud ee AMISOM uu beeniyay in saanado millateri laga qaatay saldhiggooda Jannaale.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale xustay in Weerarkaas uu ahaa mid ay ugu Aar-gudayeen Dad Shacab ah oo ku sugnaa xaflad Aroos oo ay ciidamada Uganda ee ka tirsan AMISOM ku 31-kii July, 2015-ka guri ku yaalla Xaafadda Ruusiya oo ka tirsan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellada Hoose.

Dhanka kale, Millateriga dalka Uganda ayaa sheegtay in weerarkaas looga dilay 12 ka mid ah askartooda ka howlgala Somalia, sidoo kalena looga dhaawacay 12 oo Askari, iyadoo maydadka askarta dhintay la geeyay Kampala halkaasoo lagu aasay.

Ugu dambeyn, Weerarkan ayaa ciidanka AMISOM ku qasbay inay isaga baxaan saldhigyo ay kaga sugnaayeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo Al-shabaab ay ku goodisay mar kale inay sii wadi doonto weerarrada ka dhanka ah AMISOM.