Al-shabaab oo Sheegatay Inay Hayaan Ciidamo Maxaabiis Ah Oo Ugandha U Dhalatay

 

Somaliya(SLpost)-Ururka Alshabaab waxa ay sheegeysaa inay haystaan “Maxaabiis Ugandha u dhashay oo ay qabsadeen intuu socday weerarkii isbuucii hore ay ku qaadeen fariisinta AMISON ee Janaale”.

Ugandha waxa ay sheegtay in 12 askeri ay uga dhinteen weerarka oo ka dhacay koofurta Somaliya.

Diblumaasiyiin reer galbeed ah waxa ay sheegeen in “qiyaastii boqol askeri oo Ugandha u dhashy inay suuragal tahay inay dhinteen ama la la’yahay”.

Xubno ka tirsan Alshabaab waxa ay sheegeen inay “gacanta ku hayaan ciidamo Ugandha u dhashay, caafimaadkoodana uu wanaagsan yahay”.

Xubinta ka tirsan Alshabaab ma uusan sheegin tirade maxaabiista ay haystaan.

Waxa uu intaasi ku daray in Ugandha “ay gebi ahaanta ku qaldan tahay inay sheegto in ciidamadeeda oo dhan la xisaabay”.

Alshabaab waxa ay kol sii horeysay soo bandhigtay sawiro ay ku sheegtay inay yihiin ciidamada AMISON oo dhintay iyo qalab ciidan, kuwaas oo ay ku soo bandhigeen baraha ay dacaayadaha ku faafsadaan.

Inkastoo kooxda dhul ballaaran dhowaanahan laga qabsaday, hadana isbuucii la soo dhaafay waxay la wareegeen laba deegaanm oo Ciidamada Midowga Afrika ay baneeyeen.