Al-shabaab Oo Qudha Ka Jartay 25 Askari Oo Kenyan Ah

Gaarrisa, (SLpost)- Af-hayeen u hadlay kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya ayaa sheegay  inay dileen 25 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya, kuwaasoo ay ku laayeen deegaanka waqooyi ee Gaarrisa, halkaasoo ay hore kooxdaas ugu laayeen in ka badan 148 qof oo u badan ardayda jaamacadda Gaarrisa bishii hore, ka dib markii ay weerareen jaamacaddaas.Gaarrisa

Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab ayaa maanta oo salaasa ah sheegay in 20 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Kenya ay xalay kooxdoodu ku dishay y deegaanka Yumbis oo 70km waqooyiga ka xiga magaalada Gaarissa, kuwaasoo uu xusay inay ku naf waayeen miino ay maleeshiyadoodu u dhigtay waddada baabuurtu marto

“Dhamaan hubkii ay siteen oo dhan waanu qaadanay. Waxa jiray qaar ka mid ah ciidamadaas oo naga baxsaday.”, ayuu yidhi Abu Muscab, waxaanu intaas ku daray, isagoo la hadlayay wakaallada wararka ee Reuters inay gubeen shan gaadhi oo ay wateen ciidamada Kenya..

Saraakiisha booliska ee magaalada Gaarrisa ayaa xaqiijiyay inay  20 askari oo Kenyan ahi ay ku dhinteen weerarkaas.

Somalilandpost.net