Al-shabaab oo lacago baad ah awgood ku xidhay Shirkaddaha Dahabshiil, Nationlink & Telcom, ogolaadayna Hormood

Muqdisho, (SLpost)- Kooxda Al-shabaab ayaa albaabada u laabtay xarumaha Shirkaddaha Dahashiil, Nationlink iyo Telcom ay ku leeyihiin guud ahaan gobollada ay ka taliyaan, isla markaana wax faahfaahin ah oo talaabadan la xidhiidha oo laga hayo dhanka Al-shabaab ma jirto.

Warku wuxuu sheegay in masuuliyiinta shirkadahan oo qaarkood warbaahinta la hadlay ayaa sheegeen in aanay garanayn sababta keentay in la xidho xafiisyadii ay ku lahaayeen goobaha ay Al-shabaab ka taliso.

Gobollada xarumaha shirkadahan laga xidhay ayaa la sheegay inay kala yihiin Jubbooyinka, Bay, Bakool, Gedo, Shabeelooyinka iyo Hiiraan, iyada oo saraakiisha shirkadahani looga yeedhay saldhigyada ku yaala goobaha ay ku kala sugan yihiin. Isla markaana lala socodsiiyay talaabadan laga qaaday ganacsiyadooda.

Warku wuxuu intaa ku daray in Kooxda Al-shabaab aanay weli ka hadlin sababta keentay inay albaabada u laabaan xarumaha shirkadahan, balse warar madaxbanaan ayaa la sheegay inay sababtu tahay lacago ay Kooxda Al-shabaab ku amartay inay bixiyaan shirkadahani, taasoo ay iyaguna diideen, iyada oo tani ay noqonayso markii ugu horreysay ee saddexdan shirkadood la xidho xafiisyada ay ku leeyihiin guud ahaan gobollada ay ka taliyaan Al-shabaab.

Dhanka kale, warku wuxuu sheegay in Shirkdda Isgaadhsiinta Talefoonda ee Hormood ay iyadu ka shaqaynayso dhamaanba goobaha ay ka taliyaan Kooxda Al-shabaab, inkasta oo aanu warku kala cadayn sababta shirkaddan gaarka looga saaray shirkaddaha kale ee ay ka mamnuuceen goobaha ay ka taliyaan kooxda Al-shabaab.

Inkasta oo ay shirkaddahan ka shaqeeyaan boqolaal qof dhulalka ay ka taliyaan Al-shabaab, haddana go’aankan ayaa u muuqda mid aan loogu danayn faa’iidooyinka ka soo galaya dadweynaha kala duwan ee manaafacaadsada ganacsiyada shirkaddahani xambaarsan yihiin. Hase yeeshee, waa markii ugu horaysay ee shirkado ay tiradoodu intaa dhan tahay ay kooxda Al-shabaab mar keliya wada mamnuucaan. Balse wararku waxay tibaaxayaan in khasaaraha ugu badani uu ku dhici doono dadka ka shaqeeya iyo kuwa adeegsadaba.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net