Al-Shabaab Oo Laba Qof Gacmaha Ka Jirtay

(SL.Post) Ururka Alshabaab ayaa xukun gacmo goys ah ku fulisay labo nin oo dhalinyaro ah degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeelada hoose.

Xukunka gacmo goynta ah ayaa ka dhacay meel fagaare ah ee degmada Kurtuwaarey  gobolka Shabeelaha hoose gelinkii dambe ee shalay iyadoo dad badan ay ka soo qeybgaleen daawashada fulinta xukunka.

Labada ruux ee lagu fuliyay xukunka gacmo goynta ah ayaa lagu kala sheegay magacyadooda Cabdiqaadir Madeey Roobow oo 20   jir ah iyo Maadeey Eenoow Aadan oo 23 jir ah.

Raggan ayaa lagu soo eedeeyay in ay jabsadeen dukaan ku yaal deegaanka Dhega-buroow iyagoo ka qaatay lacag gaaraysa  5,000 Milyan shilin Soomaali ah (Shan Milyan shilin Soomaali ah) iyo 60 Kaadhka ku hadalka ah ee ay bixiyaan shirkadaha isgaadhsiinta Somaaliya.

Labadan Nin ee falka xatooyada ah lagu helay ayaa laga gooyay mid walba gacanta midig, iyadoo markii ugu horraysay oo xukun gacan goyn ah lagu fuliyay degmada Kurtunwaareey.

Ururka Alshabaab ayaa maamula deegaano ka mid ah gobolka Shabeelada hoose iyo deegaano kale oo ka mid ah dalka Soomaaliya waxaana deegaanadaa dadka lagu helo xatooyo lagu fuliyaa xukun gacan goyn ah.

 

Somalilandpost.net