Al-Shabaab Oo Ku Hanjabtay Inay Sii Wadayaan Weerarada Ay Geystaan

Muqdisho  (SL.Post)  Al-shabaab,  ayaa ku goodisay inay sii wadayaan weerarrada ka dhanka ah Maamulka Puntland, kaddib markii magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ka geysteen Qaraxyo sababay dhimashada in ku dhaw 30-qof, ayna dhaawacmeen afartameeyo kale.

 

 

 

 

Afhayeenka Al-shabaab  Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in weeraradii Axaddi ka dhacay Gaalkacyo ay la beegsadeen meeshii ay doonayeen oo uu sheegay inay isku urursanayeen cadaw, sida uu hadalka u dhigay.

 

 

 

Sheekh Cali Dheere oo la hadlayay Warbaahinta Al-shabaab ayaa wuxuu intaas ku daray in khasaare xoog leh ay gaarsiiyeen Puntland, isagoo xusay inay sidoo kalena ku burburiyeen weerarradaas dhisamayaal badan.

 

 

“Weerarradii Gaalkacyo ka dhacay waxay sababeen khasaare badan, waxaanan la beegsannay halkii loogu talo-galay iyo oo ahayd meel ay isku urursanayeen cadow. Dhismahadu waxay u dhexeysaa 30illaa 40 qof, waxaa burburay daartii shirqoolada lagu maleegayay.” ayuu yidhi Sheekh Cali Dheere.

 

 

Afhayeenka Al-shabaab ayaa intaas ku daray in Puntland ay yihiin caodow u taagan inay dadka muslimiinta ah gacanta u geliyaan gaalada, isla markaana amarrada ka qaata Itoobiya, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

 

Ugu dambeyn, Sh. Cali Dheere ayaa sheegay in weerarro kale oo noocaan oo kale ah ay ka geysan doonaan Puntland, isagoo sheegay in Weerarrdoodu aysan marna joogsan doonin.

 

 

 

Somalilandpost.