Al-shabaab oo Kiniya Ku Dilay Laba Askari

Kenya(SLpost)-Ugu yaraan laba ka tirsan ciidamada booliiska ee Kenya ayaa ku dhintay weerar ay al-shabab ku qaadeen kolonyo ciidamada booliiska Kenya ah oo marayey jidka isku xidha Mandera iyo Ceel Waaq.

Weerarkan ayaa la sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabab ay u adeegsadeen gantaallo garabka laga tuuro iyaga oo burburiyey mid ka mid ah baabuurta booliiska halkaasna ku dilay laba ka mid ah ciidanka.

5ABBDAEE-D409-4135-8602-D0436DE6D405_cx0_cy4_cw0_w443_h249

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha gaadhay dhinaca maleeshiyada Al-Shabab. Weerarrrada ka dhaca degaankaas ayaa inta badan ay sheegaan maleeshiyada Al-Shabab mas’uuliyadooda.

Dhowaanna booliiska Kenya waxay ka digeen in maleeshiyada Al-Shabab ay kooxo hubaysan u dirayaan gudaha Kenya si ay weerarro u gaystaan xilliga roobka oo maritaanka jidadku adag yihiin.