Al-shabaab oo abaalmarin uu Hub ku jiro guddoonsiisay Dhallinyaro ku guuleysatay tartan aqooneed

 Muqdisho, (SLpost)- Deegaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa waxa Axaddii toddobaadkan ka dhacday munaasabad lagu soo xidhay tartan aqooneed ay qabatay Idaacadda Al-andalus ee ku hadasha afka Malleeshiyada Al-shabaab, Xafladdaas oo abaalmarinno Hub ku jiro lagu gudoonsiinayay kooxihii kaalimaha hore ka galay tartan aqooneedka.

Xaflada ayaa waxa ka qeybgalay masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Al-shabaab, sida Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur) iyo Guddoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Banaadir Sheekh Max’ed Xasan Cumar (Abuu-C/raxmaan).

Sheekh Mukhtaar Roobow oo isagu ka mid ahaa masuuliyiinta goobta ka hadashay ayaa sharaxaad ka bixiyay faa’iidada uu leeyahay cilmigu, isagoo kula dar-daarmay kooxihii kala duwanaa ee halkaasi ku sugnaa inay sii laba-jibbaaraan dedaalkooda aqooneed, waxaana sidoo kale goobta khudbado aqoonta ku saabsan ka jeediyay masuuliyiin ka tirsan Al-shabaab.

Gegabadii Xafladda ayaa waxa lasoo bandhigay kooxihii kaalimaha hore ka galay tartan aqooneedkii ay qabatay Idaadcadda Andalus, waxaana koox walba la guddoonsiiyay abaalmarinno uu Hub ku jiro.

Kaalinta koowaad ayaa waxaa ku guuleysatay koox ka socotay Xaafadda Imaamu Shaafici ee deegaanka Ceelasha-biyaha waxaana la guddoonsiiyay qori AK-47 ah iyo 21 Milyan oo Shilin Soomaali ah.

Tarmayaashii ka socotay magaalada Kismaayo ayaa waxay galeen kaalinta labaad, waxaana la guddoonsiiyay qori AK-47 ah iyo 15 milyan oo shilin Soomaali ah.

Degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir ayaa gashay Kaalinta Saddexaad waxaana la guddoonsiiyay laba bambaano F-1 ah iyo 12 milyan oo shilin Soomaali ah.

Ardaydii abaal-marinnada la guddoonsiiyay ayaa waxay aad ula yaabeen Hubka la siiyay iyo weliba sida ay ka yeelayaan, maaddaama ay yihiin arday waxbarata, isla markaana aan aqoon u lahayn isticmaalka Hubka.

Maaha markii ugu horreeysay ee ay Al-shabaab Hub guddoonsiiso arday ku guuleysatay tartan aqooneed, hase yeeshee tartan aqooneed kan la mid ah oo Ramadaankii hore loo qabtay arday u tartamaysay qaybo ka tirsan gobollada dalka ayaa waxaa lagu guddoonsiiyay kooxihii kaalimaha hore galay Hub isugu jiray qoryaha fudud iyo bambaanooyin kala duwan.