Al-shabaab oo ka hadashay Digniin Madaxweynaha Burundi Shacabkiisa u jeediyey?

Al-Shabab-Spokesman Ali Mohamoud
Al-Shabab-Spokesman Ali Mohamoud
Al-Shabab-Spokesman Ali Mohamoud

Shabeelle, (SLpost)- Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta dalkan Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay hadal dhawaan kasoo baxay madaxweynaha dalka Burundi, kaasoo ku saabsanaa in kooxdaasi ay qorsheynayaan inay weeraro ka gaystaan dalkiisa.

Afhayeenka kooxda Al-shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa sheegay in hadalka madaxweynaha Burundi kasoo yeedhay uu yahay mid lagu dejinayo shacabka dalkaasi ee kacdoonka wada.

Cali Dheere waxa kale oo uu tilmaamay  in madaxweynaha Burundi uu indhaha caalamka ka leexinayo qalalaasaha ka socda dalkiisa iyo aargoosi ay doonayso xukuumaddiisu.

“Warka kasoo yeedhay madaxweynaha Burundi waa isku day lagu doonayo in lagu dejiyo shacabka kacdoonsan ee waddooyinka isugu soo baxay,,waana isku day kale oo lagu doonayo in indhaha caalamka lagaga leexiyo falal aargoosi wadareed ah oo xukuumaddu qorsheynayso.” ayuu yidhi Cali Dheere.

Madaxweynaha dalka Burundi, ayaa shalay sheegay in ,kooxda Al-shabaab ay qorsheynayaan inay weeraro ka gaystaan dalka Burundi oo ciidamo ay ka joogan Soomaaliya.

Somalilandpost.net