Al-qaacida Oo Dahab Dul-dhigtay Madaxa Hogaamiyaha Xuuthiyiinta Ka Dagaalamaya Yemen

abdulmalikalhouthiYemen, (SLP)- Kooxda Al-Qaacidada dalka Yemen ee magaceeda loo yaqaan AQAP ayaa ku dhawaaqay inay siinayaan 20-kg oo dahab ah qofkii u keena madaxa hoggaamiyaha kooxda Xuuthiyiinta dalka Yemen, Cabdulmalik Al Xuuthi.

Dawladda Sucuudiga iyo xulafadeeda ayaa dagaal adag kula jira kooxda Xuthiyiinta ee dalka Yemen, iyadoo go’aanka kasoo baxay Al-Qaacidada Yemen lagu soo beegay xilli kooxda Al-Qacida ay dhankeeda ka wado dagaal ka dhan ah Shiicada Yemen.

Kooxda Al-Qaacida oo ka faa’iidaysanaysa fowdada ka dhalatay Yeman ayaa maalmihii la soo dhaafay weerarro ku qaadayay xarumaha dawladda ee ku yaalla Mukallah, isla markaana siidaysay maxaabiis badan oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha kooxda AQAP.

Al-Qaacida ayaa hore uga gaabsatay dagaalka dhex-marayay Xuuthiyiinta iyo dawladdii Yemen, waxayna xilligaas ku mashquulsanaayeen abaabulka maleeshiyadooda koonfurta Yemen ku sugan.

Ugu dambayn, go’aanka Al-Qaacida ayaa kusoo beegmaya xilli Xuuthiyiinta xarumahoodii kaydka hubka ay duqeeyeen diyaaradaha xulufada ay dawladda Sucuudigu horkacayso.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeysay oo koox Al-Qaacida ka tirsani ay ku dhawaaqdo inay dhaqaale ku bixinayso dilka hoggaamiyaha kooxda Xuuthiyiinta ee dalka Yemen.