Al-qaacida Oo Caddeysay In La Dilay Hogaamiyahoodii Yemen

Mukallah, (SLpost)- Ururka Al-qaacida ee dalka Yemen ayaa xaqiijiyay in hogaamiyahoodu ku dhintay todobaadkii la soo dhaafay weerar xagga cirka ah oo uu Mareykanku qaaday, waxaana la dhintay laba qof oo kale.Al-qaeda

Muuqaal la soo dhigay Internetka ayaa lagu sheegay in Nasir Al-wuhayshi lagu dilay weerar ay qaaday diyaarad aan duuliye lahayn oo ka dhacay magaaladda dekedda leh ee Mukallah ee gobolka Xadrumoot.

Nasir Al-wuhayshi ayaa ahaa dadka aadka ugu dhaw hogaamiyihii hore ee ururka Al-qaacida Usaama Bin Ladin.

Kooxdiisa oo loo yaqaano Al-qaacidada Jasiiradda Carabta ayaa waxay mas’uul ka ahayd dhawr mu’aamaradood oo ka dhan ahaa dalka Mareykanka. Sidoo kale, wuxuu ururkaasi ka dambeeyay weerarkii ka dhacay magaaladda Paris ee lagu qaaday wargeyskii Chalie Hebdo.

Afar Mas’uul oo sare oo ka tirsan ururkan ayaa dhawrkii bilood ee ugu dambeeyay lagu dilay weerarada cirka ee uu Mareykanku qaaday. Waxaana soo baxaya warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in laga yaabo in ururka dhexdiisa ay ku jiraan dad u shaqeeya ciidamada sirta.

Somalilandpost.net