Akhriste bal isgarab dhig labadan maqaal: Labadaba waxa qoray Cabdirisaaq Sh. Cali Askar – Waa shalay iyo maanta? Cajiib!! – Qalinkii: Maxamed Kadar

Maxay iska Shabbahaan Qaab-dhismeedka Xukuumadda uu soo Dhisay Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumadihii Siyaad Barre?

By: Cabdiraaaq Sh Cali Askar

Dimoqoraadiyaddu marka la macneeyo waa maamul ay shacabku awooddeeda leeyihiin…

Cabdirisaaq Sh. Cali Askar

Shacbiga Somaliland muddo kontomeeyo sanno ayey baadi-goob ugu jireen xukuumad si caddaalad, sinnaan, daacad iyo waxqabad hufan ugu adeegta, waxase intaa u sii dheeraa shacbiweynaha Somaliland in xukuumaddii Siyaad Barre ka hor madaxbannaanida Somaliland ka qaadatay sannadkii 1991kii ay oo ummaddan dhaxalsiisay dhacdooyin taariikhda ku duugan oo aad u qadhaadhaa, isla markaana sababay halgankii hubaysnaa ee ururkii SNM dib ugu soo celiyey xorriyadda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, isbeddelkiisiyaasadeed ee Somaliland ka curtay doorashadii taariikhiga ahayd ee dalka ka qabsoontay 26 June 2010, laguna beddelay xukuumaddii uu Madaxweynaha ka ahaa Daahir Rayaale Kaahin, kaasoo ka dhashay rabitaan shacab oo lagu beddelay xukuumaddii ay doorteen 2003.

Dimoqoraadiyaddu marka la macneeyo waa maamul ay shacabku awooddeeda leeyihiin (Form of Administration Ruled by the People), ciday rabaan ee dantooda u arkaana awood u leeyihiin inay doortaan, kuwa kalena beddeli karaan. Tartanka asxaabta badan iyo doorashadu (multi-party system) waa rukun ka mid ah rukumada dimoqoraadiyaddu ku taagan tahay oo ilaa toddoba rukun ka kooban.

Dhibta hoggaamiyaasha umadda soo maray waxay tahay markaynu doorano ee lagu tabco ee ay kuriga fuulaan ayaa iyaga iyo shacbiga isugu dambaysa.

Dhammaystirka dimoqraadiyadda iyo ballamaihii ay ummadda dooratay u qaadeen iyana haba sheegin. Bal haddaba aynu yara milicsano rukumada

kale ee ay dimoqoraadiyaddu ku taagan tahay.

Rukunka 2aad (Popular participation) waa inay muwaadiniintu ka qaybqaataan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee dalka ka socda oo aan cidna la cabudhin siduu qeexayo distuurka qaranka Somaliland. Rukunka 3aad “Principle of Equality.”Waa in ay muwaadiniintu helaan xuquuq iyo fursado shaqo oo isku mid ah oo ay kaga qaybqaataan isbeddellada siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee dalka ka socda. Rukunka 4aad “Principle of Accountability” waxa uu yahay waa inay noqdaan cidda masuuliyadda qaranka haysaa kuwa metela shacabka, uguna adeega danaha muwaadiniinta xaqa u leeyihiin. Isla markaana waa in aanay waax ka mid ah dawladdu cabudhin waax kale oo dawladda ah, waa in waax kastaa gudayaa

masuuliyadeeda ay u igmantahay oo ay timaaddaa isku dheeli-tiran awoodeed (check and balance).

Maxay iska Shabbahaan Qaab-dhismeedka Xukuumadda uu soo Dhisay Madaxweyne Siilaanyo iyo Xu…

oodweynenews.com/…/8966-maxay-iska-shabbahaan-qaab-dhismeedka-xukuumadda-uu-soo-dhisay… 2/17

Saddexda waaxood ee dawladdu ku dhisantahay sida fulinta, xeer-dajinta iyo garsoorka. Rukunka 5aad “Separation of Power” waa inay timaaddaa maamul-daadajin, isla markaana ayna dhicin in xalalka qaran la isku koobo oo aan hal qof inuu qabto hal xil wax ka badan loo oggolaan. Rukunka 6aad “Principe of Political Tolerance.”Waa in la tixgeliyaa kala duwanaanshaha muwaadiniinta dhinacyada beelaha laga tiro badan yahay, kuwa la takooro, diinta, luqadda iyo midabka oo ay u sinnaadaan ka qaybqaadashada siyaasadaha dalka oo beelaha waaweyn iyo kuwa aynu sare ku soo xusnay isku xuquuq noqdaan. Waxa xusid mudan sida uu madaxweyne Siilaanyo ugu tuntay xuquuqdii beelaha laga tirada badan yahay ee iskadaa inuu xuquuqdooda tixgaliyey intuu ka qaaday xilalkii dawladda ee ay xaqa u lahaayeen ee madaxweyneyaashii dalka soo maray u magacaabeen uu

cidla’ diray oo maanta xaqoodii maqan yahay.

Haddii aynu hal tusaale ka soo qaadanno beelaha laga tirada badan yahay waxa ka mid ah beesha uu ka soo jeedo Guddoomiyihii Abaabul-kasaarka Qaranka (NDC) ee hadda xilka laga qaaday oo laba xil ay qaranka ka hayeen laga qaaday. Rukunka 7aad “Principle of Rule of Law” waa in uu sharcigu shaqeeyaa oo uu masuul iyo shacaba ay u sinnaadaan, isla markaana sharcigu ka sarreeyo qof walba.

Haddii aan usoo noqdo ujeedada maqaalkaygan waxaan jecelahay inaan ummadda u soo bandhigo meelaha ay iska shabbahaan xukuumaddii Afweyne ee kali-taliska ahayd iyo xukuumaddan aynu sida dimoqoraadiga ah ku dooranay ee uu soo dhisay Madaxweyne Siilaanyo.

Haddaba, bal dib aynu u milicsano 21 sanno ka hor iyo xukuumaddii kali-taliska ahayd ee Maxamed Siyaad Barre iyo qaab-dhismeedyadii qabyaaladda ku dhisnaa. Aynu ugu horreysiino Madaxweynihii dalka ee wakhtigaas oo ahaa Maxamed Siyaad Barre. InamadiisiiMaslax Maxmed Siyaad oo ahaa Taliyihii Guud ee Ciidanka Somaliyeed. Axmed Maxmed Siyaad oo ahaa Wasiir xigeenkiiCaafimaadka ee Somaliya, Ayaanle

Maxamed Siyaad oo ahaa MadaxiiBaratakoolka Madaxtooyada Soomaaliya, inantiisii Amina Maxamed oo ahayd Wasiir-xigeenkiiMaaliyadda.

Raggii uu soddoga u ahaa; Jan. Morgan oo ahaa Wasiirkii Gaashaandhigga; Axmed Saleeban Dafle oo ahaa la Taliyihii Sirdoonka Somaaliya;

Cabdiraxmaan Guul-wade oo ahaa Wasiirkii Ganacsiga; Axmed Maxamud Mirre oo ahaa WasiirkiiWaxbarashada. Ilmaadeeradii; Cabdiraxmaan Jamac Barer oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibedda; Cascasay Jamac Barre oo ahaa MaareeyihiiWarshadii Sonkorta ee Madheedhlay; Janeral Dhuudhi oo ahaa taliyihiiCiidanka Cirka; Cornel Nuur Bidaar Taliyihii Laanta Socdaalka; CornelCanjeex oo ahaa Taliyihii Taangiyada; Marwa Coreeja oo ahayd Wasiir-xigeenkii Hiddaha iyo Tacliinta Sare; Muraayo Garaad oo ahayd Guddoomiyihii Guud ee Haweenka Soomaaliyeed.

Ahkhaastii kale ee ka socotay dhinaca labadiisii xaas, JanaralMaxamed Xashi oo ahaa Taliyihii ciidammada Gobolka Banaadir oo ay marwada yar walaalo ahaayeen; Mr Tarrax oo ahaa madaxa qaxootiyada Soomaaliyeed; AdmiralMaxamed Cumar Cismaan oo ahaa Taliyihii Guud ee Ciidammada Badda. Tiradani waa qayb ka mid ah shakhsiyaadka ehelnimada madaxweyne Siyaad Barre ku keenay xukuumaddiisii, balse waxa jira in badan oo aan qoraal lagu soo koobi karin.

Bal haddana aynu dhugan oo aynu bar-bar dhigno xukuumadda cusub ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) iyo qaabdhismeedkeeda la midka ah ta aynu kor ku soo xusnay oo aynu ka bilawno xubnaha ay isku haybta yihiin Madaxweynaha oo kala ah:Maxamuud XaashiCabdi oo ahWasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland; Ilhaan Maxamed Jamaac oo ahWasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada; Dr. Xuseen Cabdi Daa’uud oo ahWasiirka Macdanta iyo Biyaha Sland; XirsiCali Xaaji Xasan oo ahWasiirka Wasiirrada; Mr Maxamed CabdiBaade oo ah Agaasimaha Xisaabadka Wasaaradaha iyo Miisaaniyadda; Mr. Yaasin Maxamed Cabdi oo ah Badhasaabka Gobolka Togdheer; Mr. Ibrahin

Xasan Cali oo ah Badhasaabka Gobolka Saraar; Mr Khadar CaliCilmi oo ah Badhasaab-xigeenka Gobolka Saaxil; Xuseen Xasan Rooble oo ah Madaxa Hay’adda Sirdoonka Qaranka; Cumar Abokor Jaamac oo ah Maareeye-ku-xigeenka Dekedda Berbera; Aadan Nugaal X. Xasan oo ah Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka; Cabdikariim Axmed Xinnif oo ah maamulka iyo maaliyadda SOLNAC; Siciid Saleeban Mire oo ah Guddoomiyaha Guddida Ilaalinta Tayada; Jaamac Axmed Maxamed oo ah Agaasimaha Guud ee Maaliyadda; Cali Siciid Raygal oo ah Maareeyaha Madbacadda Qaranka; Ibraahim X. Nuur oo ah Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha; Saleeban Maxamed Faarax oo ah

Wakiilka Qurba-joogga; Xasan Cali Cawad oo ah Taliye-xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland.

Masuuliyiinta habluhu keeneen iyo kuwa la dhalayba waxay kala yihiin: Axmed Xaashi Oday oo ahWasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Degaanka; Prof. IsmaaciilMuumin Aare oo ah Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka; Maxamed Xaashi Madar oo ahWasiirka Ciyaaraha Dhallinyarada iyo Dhaqanka; Prof. Farah Elmi Mahamed oo ahWasiirka Beeraha; Sacad Cali Shire oo ahWasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta; Dr. Maxamed Yaasiin Xasan oo ahWasiirka Kalluumaysiga; Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog) Wasiirka Caafimaadka; Warsame Siciid Cabdi oo ahWasiirxigeenka Maaliyadda; Maxamud  Garaad Soofe Wasiir-ku-xgeenka Arrimaha Gudaha.

Gebagebadii, waxaan shacabka Somaliland xusuusinayaa in beesha adaxweynuhu ka soo jeedaa shacabka iyo qaranka Somaliland-ba sharaf iyo qaddarin ka mudan yihiin oo tallaabooyinka hoggaamiyaha aynu dooranay iyo cidda uu xusho la yimaaddaan aan loo nisbayn ummad dhan oo xushmad leh oo halgankii qarannimada Somaliland naf iyo maalba usoo hurtay, dib u heshiisiintii iyo dib u dhiskii Somaliland –na qayb weyn oo laxaadle ka soo qaatay.

Sidaa awgeed, waxa ayaan-darro ah oo shacabka Somaliland lama filaan ku noqotay afcaasha hordhaca ah ee Madaxweyne Siilaanyo ugu abaalguday ummadda aqlabiyadda ku doortay, waxaanay shacabku ka filayeen Madaxweynaha cusub oo ay u arkayeen ruug-caddaa aqoonyahan

ah oo waayo-arag ah oo quluubtooda ka maydhi doona dhacdooyinkiifoosha xumaa ee qabyaaladda ku dhisnaa ee ay hore ugu soo gayeysiiyeen

qaar ka mid ah maamulladii hore u soo maray. Waxay filayeen isbeddel nololeed, midnimo, caddaalad iyo horumar dhinacwalba leh, balse waxay la kulmeen bilawgiiba qalbi-jab, qoomamo iyo xukuumad qabyaalad iyo ehelnimo ku dhisan. Waa dhacdo lama filaan ku noqotay shacbiweynaha oo xusuusisay maalmihii qadhaadhaa ee keligii-taliye Afweyne iyo xukuumaddiisii qabyaadlada ku dhisnayd.

Waxa intaa sii dheer oo ummadda werwer ku keenay in masuuliyaddii uu lahaa Madaxweyne-ku-xigeenka cusub Cabdiraxmaan Saylici ee aynu dooranay gacanta loo galiyey ninka aan xilkiisa la caddayn ee maamula Madaxtooyada Somaliland. Maxay iska Shabbahaan Qaab-dhismeedka Xukuumadda uu soo Dhisay Madaxweyne Siilaanyo iyo Xu…

Waxaan Madaxweynaha xasuusinaayaa oo aan leeyahay waxaad cagta saartay dariiq keli-talisnimo, ummaddana siddeed sanno ayaa ka soo lumay, isbeddelkii ay kaa filayeenna wuxuu dhalay ficillada fajicisada leh ee aad la timi, mana aqbali karaan shacabku “Kud ka guur oo qanjo u guur” iyo wakhti dambe oo ka sii luma, waxana iman doona kacdoon shacab oo hor leh oo ay xuquuqdooda ku xaqiijin doonaan haddii Alle idmo.

Cabdiraaaq Sh Cali Askar, Hargeisa, Somaliland

—————————————————–

Haddalada Danaystaha, Himilada Dadweynaha iyo Hiigsashada Hogaamiye Siilaanyo

Cabdirisaaq Sh. Cali Askar
Cabdirisaaq Sh. Cali Askar

Waxaa hubaal in mudada Qarankani Xornimada uu dib ugala soo noqday wixii la isku odhan jirey Somaliya oo ku beegnayd Sanadkii 1991  lagana jooga hadda labaatan sanno uu soo maray maraaxilo kala duwan oo ay sal u ahayd Ujeedooyin khariban oo ay dabada ka riixayeen Danaystayaal aan jeclayn Horumarka Dalka balse ay caabin adagi kaga timid Rabitaanka Shacabka .

Haddaba, waxaa igu kalifay maanta inaan qalinka iyo warqadda is dul-qabto , in aan u iftiimiyo Shacabka Muwaadiniinta ah farsamooyinka qarsoon ee Danaystayaasha, aniga oo ku kalsoon inay Dadwaynuhu intooda badan ogyihiin waxay u sheegayaan ee aan salka lahayn , balse waa iga xasuusin oo kaliya , maanta Waxqabadka Xukuumada Axmed Silaanyo ee dhinacyadda badan leh , haddii ay tahay Adeegyadda bulshada, Amniga iyo Aqoonsi-raadintaba waa wax  muuqda oo lataaban karo; Shacbiguna ka markhaati yahay oo aan caad ka saarnayn. Dabinada iyo Xadhkaha ay maleegayaan Danaystayaashuna waa mid Shacabku isha ku hayaan. Shacabka maantu ma aha kii sannadkii 1992. bal Akhristayaal aan idin xasuusiyo  dhacdo aan goobjoog u ahaa oo aan filaayo in aad idinkuna  xasuusan doontaan. Goobtu waxay ahay Khayriyada badhtamaha Hargeysa, waa cabaaro 10:00  Subaxnimo, waxaa jirey khudbado ay ummadda Reer Hargeisa u jeedinayeen qaar kamid ah wasiiradii Xukuumadii AHN  Marxuum Cabdiraxman Axmed Cali, waxaa kamid ahaa wasiiradaa Marxuum Sh Yusuf Sh Cali Sh Madar oo ahaa Wasiirkii Arimaha Dibedaa ee wakhtigaa, waxaa kamid ahaa weedhihii uu halkaa shacabka uu uga jeediyey isaga oo markaa kasoo laabtay safar uu dibeda ugu baxay oo aqoonsi raadis ahaa. “ Wallaahi Qaranimadda Somaliland waxaan soo galiyey Computerka caalamka” nasiib-darada jirtay wakhtigaa , Computer kaba waxaa loo haystay waxkale. Aqoon la’aan inaga haysatay dartee. Dadka qaarna waxay umalaynayeenba aaladii aqoonsiga keenaysay .  Kelmaddaasi waxay shacabku isugu tahniyadaynayeen muddo bilo ah “ Somaliland hadda ayaa la aqoonsanayaa” maadaama oo aynu galnay computerkii dunida.

Haddii aan usoo noqdo ujeedada qoraalkaygan, oo aan diiradda saaro marxaladan hadda ee uu taladda dalka gacanta uu ku hayo Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo oo ayna labadii sanno  u dhamaan wali.  Waxaan taxliilin doonaa 3 qodob  oo muhiimad wayn inoo leh ka- shacab ahaan inaynu indhaha ku hayno.

Sida laga dheehan karo  Ciwaanka Maqaalkan ,waxaan ku bilaabo doonaa haddalada Danaystaha iyo nuxurka ku duugan. Waxaase marka hore in la kala ogaado mudan faraqa u dhexeeya Mucaarid iyo Danayste. Mucaarid waa mid wax dhisa (Constructive)  oo mucaaridnimadiisa ku saleeya ka haddalka danaha guud ee bulshada ugana hadla si ( Objective) ah ha noqdo kuwa kasoo jeeda Axsaabta Mucaaridka ama ha noqdo Siyaasi Madaxbanaan ba’e. Danaystuhu waa shakhsi dantiisa oo kaliya ka hadla kuna kooban, umaddana ka dhaadiciya mala-awaal si ay dantiisu u hirgasho. Dhinaca kale haddii aynu ka eegno Masuulka Xisbi Mucaarid sidaynu sare ku xusnay waxa uu shacbiyadda ku soo jiidan karaa marka uu ka hadlo danaha guud ee Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed waa marka ay cida loo igmaday kasoo bixiweydo, balse ,  ninka ka tirsanaa maamulka jira ee waaya wixii uu rajaynayay ee danihiisa ahaa waxaa badanaa aynu aragnaa isaga oo si shakhsi ah u weeraraya cidda mindida daabkeeda haysa iyada oo ay intaa u sii dheer tahay  mana-sheegasho xad-dhaaf ah. sidaa awgeed, waxaan waydiin lahaa Muj Cali Gurey ,  Miyaad iska casishay xilkii afhayeenimo ee UDUB? Goormaad se gashay Kulmiye? Ileen waadigan ka baydhay marinkii mucaaridnimo lahaan jirtay ,  ee u hadlaya nin la ilaawey oo rajo qabay, warbaahintana ku qoreya  SIILAANYO WAA ABAAL-LAAWE .  oo illaa Sariirtaydii ayaan u baneeyey iyo hebel iyo hebel ayaan uga hiiliyey.  Dhacdadan kale  ee Cali Gurey  ummadda u sheegay waxay ahayd “Siilaayo wakhtigii SNM waxa uu ahaa nin xun”. Mujaahidka waxaan waydiin lahaa mudadaa aad ka hadlaysid iyo markaad ahayd  kulmiye midkee sokaysay,? Maxaadse ku jeclaatay hogaaminta iyo shakhsiyadda siilaanyo haddii aad xumaan ku ogayd  markii aad ka mid ahayd Kulmiye?  taasi waxay hal-bacaad lagu lisay ka dhigaysaa waxaad warbaahinta ku qorayso iyo xumaha aad Madaxweynaha sharafta leh aad mar-marinayso. Waxaynu nahay dad inta badan aan  hadalada taxliilin. Haddiise wax badan aynu  u dhug yeelan lahayn ninkaasi oo kale waxa uu u socdo , dee waa HEBELKaa aynu ka hadlayno. Oo waxaynu ku odhan lahayn LAGU-FAHAN!

Qodobka labaad ee ku  duugan ujeedada Maqaalkaygan waxa uu yahay “Himilada Dadweynaha . Himilo waa “ Aim” haddii aynu tafsiir ku samaynana waa Ujeedo iyo Muraad. Haddaba ujeedada iyo muraadka shacabka Somaliland muxuu yahay?  Waxaan odhan karaa waxaa ugu weyn Xornimo iyo Madaxbanaani inay helaan, taasna waxaa la helay markaynu iska tuurnay heeryaddii Afweyne sanadkii  1991.   waana neecawdaa inaga dul-ba-banaysa labaatanka sanno . Ta labaad , Midnimo iyo walaalnimo kuwada noolaansho bulshada Somaliland oo iyaduna inoo hirgashay,  waana  mida indhaca caalamka soo jiidatay ee aynu kufaani karno. Ta seddexaad, Horumarka arimaha bulshada ee inoo qabsoomay mudada labada sanno ka yare ee uu hirgaliyey Hogaanka Qaranka ee hadda iyadda oo hogaamiyaashii hore ee dalka soo marayna mid waliba meel soo gaadhsiiyey. Waxaa kala oo ifafaalaheedu inoo soo muuqdaa mid kamid ah ujeedooyinkeena ugu waaweyn oo ah inaynu beesha caalamka ka helno ictiraaf dhamaystiran. Marka aynu isku soo xoorinino himiladda dadweynuhu waa kuwan aynu sare kaga soo hadalnay, mana aha haddalada danaystaha iyo farsamooyinka uu shacabka ku beerlaxawsanayo. Ujeedooyinka shacabku wax way dhiman yihiin , taana waxaynu ku gaadhi karnaa inaga oo sii adkayna midnimadeena kana fogaano haddalada danaystuhu ku carqaladaynayo geedi socodka horumarka.

Qodobka sedexaad ee isna ku cad Ciwaanka Maqaalkaygan waa “ Hiigsashadda Hogaamiye sillaanyo”  Hiigsasho waa “ Target or Intend” waana waxaad doonayso inaad gaadho ama ku guuleysato, waa wax kuu qorshaysan oo aad niyadda ku hayso. Madaxweyne silaanyo waxa aynu codka u siinay ee uu ku hantiyey  Kursiga Qaranka ugu sareeya, waxay ahayd inaga uu isku qancinay inuu yahay Hogaamiye rug-caddaa Siyaasiya, Aqoonyahan iyo waayo arag muddo dheer kusoo jirey Saaxada siyaasada isla markaana bari ka ah shaqo tag ee uu yahay nin ka midho dhalinaya himilada shacabka iyo qarankaba , hamigiisuna yahay inuu ka lib-keeno Hiigsigiisa mustaqbal . Taasna waxaa u daliil ah mudada cimriga xukuumadiisa iyo talaabooyinka kala duwan ee horumar dhinac walba leh ee uu layid, waa mid u muuqata cidwalba marka laga reebo Danaystaha aynu sare ku xusnay.

Waxaan kusoo gunaanadayaa;  Umadda Somaliland waxay Xoriyadda Halganka adag iyo Dhiiga badani ku soo daatay usoo gashay inay iska tuurto Shisheeye ama Ajaanib inoo taliya oo naxariis-laawe ah sida Siyaad bare oo kale ,  isla markaana aynu inagu is xukuno. Shacabka Somaliland Alle kuwada uumayna ay noqdaan ummadda kaliya  oo xor ah. Sidaa darted, danaystayaasha mar walba la soo tagan ee Madaxweynihii yimaada u nisbeeya Reer iyo Qabiil, ma waxay inala doonayaan in ay qarankan mar labaad gacanta u galiyaan Ajaanib aan naxayn? Waxaan shacabka ka codsanayaa midnimo iyo gacmo is-qabsi. Hogaamiyaha Qaran Mudane Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) waxaan kula talinayaa in tubta uu hayo ee hiigsashadiisa ayna ka mashquulin haddalada danaystuhu, sidoo kalena ayna u qalmin in loo jawaabo, maadaama oo ay  shacabku  il-dheer u leeyihiin kuwaa.

Wabillahi tawfiiq

Cabdirasaaq Sh Cali Askar

Hargeysa, Somaliland