Akhriso: Warbixin Ka Hadlaysa Saamiga Itoobiya Laga Siiyay Dekedda Berbera

(SL.Post) Dadweynaha Somaliland, ayaa si weyn u hadal haya la wareegidda dekadda Berbera iyo saamiga cusub ee la sheegay in laga siiyey dalka Itoobiya.

 

2017514636303261014384126dpaaaa

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Heshiishkii hore dhaca ahaa ee golaha Wakiiladda ansixiyeen waxa lagu sheegay inay shirkadda shuraako ku noqon doonaan Somaliland iyo shirkadda DP wolrd, haseyeeshee waxa imika soo baxay in Itoobiya oo ah suuqa ugu weyn ee loo tartamayo inay iyadu saamigii wax laga siiyey .

Wasiirka Ganacsiga Somaliland Cumr Shucayb ayaa sheegay in 19% laga siiyey saamiga loo qaybsaday dekadda Berbera ee ay maamuli doonto DP WOLRD.

“Warkaas waa uu jiraa oo heshiiska markii hore waxa wadda galay Somaliland iyo DPW,Lakiin waxa la doonayo ee ah in laga faa’idaysto waxa weeyaan waa boqolka milyan ee itoobiya ee laraba in lala ganacsado markaas qayb ayay ka yihiin,waxaana ay itoobiya leeyihiin boqolkiiba sagaal iyo toban”ayuu yidhi wasiir Cumar oo wax laga waydiiyey wararka sheegay in Itoobiya saami laga siiyey.

 

Tan iyo intii hadalkaasi wasiirka Ganacsiga la maqlay waxay dadweynuhu is waydiinayeen dhinaca Itoobiya ka soo gashay heshiishka labadda dhinac ee Somaliland iyo DP Wolrd oo hore loo sheegin,isla markaana Baarlamaanka Somaliland loo gudbin isbedelka ku yimid heshiishka ee Saamiga cusub laga siiyey Itoobiya.

Afhayeenka madaxweynaha Somaliland Xuseen Axmed Cige Deyr oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saamiga 19% ee Itoobiya la siiyey ay saaamigii shirkadda DP wolrd u jartay, taas oo noqonaysa in shirkadda DP world saamigeedu noqonayo 46%, halka Somaliland noqonayso 35%.

“Heshiishka waxa wada gallay Shirkadda DP Wolrd iyo Somaliland, waxaana uu kala ahaayeen 65% waxa leh Dp wolrd, iyo Somaliland 35 %, marka saamigii DP Wolrd ayaa Itoobiya ka siisay 19%, sharciguna wuu ogol yahay in dhinac kasta saamigii uu cid kale siin karo, marka Dp Wolrd baa sidaas u aragtay faa’iido”ayuu yidhi Xuseen Axmed Cige Dayr.

Si kastaba ha ahaatee, arrintan cusub ee wax ka bedelay saamiyadii hore loo sheegay in loo kala leeyahay ee dhinaca saddexaad soo galay bulshadda dhexdeeda dood ka dhex dhalisay,waxaanay dadka qaar ku doodayeen in Itoobiya saami laga siiyaa inay wanaagsan tahay maadaama oo suuqa ugu weyn ee lagu socda Itoobiya yahay,isla markaaana dekadaha badan ee Jaarka ee wax kala soo degta soo kala jiidanayaan, halka dadka qaarna khalad u arkaan in dhinac saddexaad soo gallo heshiishka iyo saamiga kireynta dekadda Berbera.

Ugu dambayntii, waxaa la eegi doonno sida golaha Wakiiladdu u wajihi doonaan isbedelka ku yimid heshiishkii ay ansixiyeen oo aan ku jirin dhinaca Sadexaad ee hadda saamiga laga siiyey.

 

Somalilandpost.net