Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa Guddida Doorashooyinka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha u gudbiyey dacwad ka dhan Maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Ciddin iyo Xildhibaan Cabdirashid Maxamed X. Yuusuf oo labadoodu ka soo baxay Xisbiga UCID, kuwaas oo todobaadkii hore munaasibad loogu qabtay Berbera taageero ugu muujiyey Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye.
Warqad xambaarsan dacwadda Xisbiga UCID, kuna saxeexan yahay guddoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo lagu socodsiiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddiga doorashooyinka, ayaa ogeyiin lagu siiyey Guddida Diiwaangelinta Ururrada iyo Asixinta Axsaabta, Guddoomiyaha Gobolka Saaxil iyo Maxkamadda Sare ee Somaliland.
Waraaqda loo gudbiyey hay’adahan ee xambaarsan dacwadda ka dhanka ah Maayarka Berbera iyo xildhibaankaas oo xisbigu ku codsaday in labadaas xubnood loogu beddelo xubinihii ugu codka dhawaa codadka xisbiyada, ayaa u qorneyd sidan: “Waxaanu masuuliyiinta sharafta leh ee waraaqdani sida tooska ah iyo sida dadbanba ugu socoto, aanu halkan ugu soo gudbinaynaa anagoo ah masuuliyiintii ugu saraysay xisbiga sida waafaqsan xeerka dacwada ka dhanka ah labada xildhibaan ee kala ah.
1-Cabdishakuur Maxamed Xasan (Duqa Magaalad Berbera)
2-Cabdirashiid Maxamed X. Yuusuf (xubin golaha degaanka Berbera)
Xildhibaanadaas oo sida la wada ogyahay ku dhawaaqay oo cadeeyay inay xisbiga UCID ka baxeen kuna biireen xisbiga Kulmiye looguna qabtey xaflad ay ka qayb galeen masuuliyiinta ugu sareysa Xusbiga Kulmiye iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland , xafladaas oo ay ku caddeeyeen ku biiridooda rasmigaa ee xisbiga kulmiye oo ay kana wareegeen xisbiga ucid.
Hadaba waxay labadaa xildhibaan si cad oo badheedh ah u jebiyeen xeer-hoosaadka xisbiga UCID, Qodobadiisa: 7aad , 8aad faqradiisa( 5)aad.
Waxa kale oo ay labada xildhibaan si badheedh ah u jebiyeen Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada Xeer No.14/2011.
Qodobadiisa:
Qod: 9 farqadiisa(4) xarfaheed (b),(t) iyo farqadiisa (5).
Qod: 10 xarfahiisa (b),(t),(j),(x).
Qod: 11 farqadiisa (4).
Sidaa awgeed sida ku cad sharciga waxay baneeyeen kuraastii ay ugu fadhiyeen xisbiga magaciisa ee ay ku ahaayeen xildhibaano qaran waxaan uu sharcigu ogolyahay in xisbigu soo buuxsan karo booskiisa banaanada ee golayaasha qaran isagoo raacaya xeerka Nidaamka urruada iyo Asxaabta siyaasada oo sheegaya waxa soo galaya jagada banaanata tiro ahaan qofkii ugu soo xigay xisbiga gudihiisa.
NB. Waxanu xasuusinaynaa Cid kasta oo ay khusayso warqadani in codka lagu fadhiyo kuraasta golayaasha deegaanku aanay ahayn cod shakhsi kaligii keeni karo ee uu yahay codkii guud ee xisbigu lahaa dagmada ay xildhibaano uga soo baxeen isla markaana uu yahay kursigani mid ku abtirsada xisbiga ay xildhibaanadiisu ku fadhiyaan oo liiskiisa mu sharaxiintiisuna ay kala sugayaan banaanaantiisa oo loo buu xinayo sida uu xeerku sheegayo.
Waxa kale oo ay jebiyeen xeerka anshaxa xisbiyada JSL ( code of Conduct )
Sidaa darted waxaanu si xushmadi ay ku jirto uga codsanaynaa masuuliyiinta ay sida tooska iyo sida dadbanba ugu socoto dacwaddani inaad labada xildhibaan ee magacyadoodu kor ku xusanyihiin aad ka qaaddaan tallaabo waafaqsan sharciga isla markaana aad noogu buuxisaan labadaa jago ee ay baneeyen , xilalkoodii xubinimo labada xildhibaan ee ugu soo xiga xaga codadka dagmada Barbara ee xisbiga ucid, sida ugu dhakhsaha badan.”
SOMALILANDPOST.NET
contact@somalilandpost.net