Akhriso Liiska 50 Ciyaartoy ee ugu Qaalisan Qaaradda Yurub iyo Eden Hazard oo booska ka riixday Ronaldo

qiimahaCilmi-baadhis ay samaysay Xarunta Caalamiga ah ee Daraasaadka Ciyaaraha (CIES), ayaa lagu shaaciyey Qiimaynta Xiddigaha ka ciyaaraha kooxaha ka dhisan shant Horyaal ee ugu sarreeya Qaaradda Yurub.

hazardCilmi-baadhista lagu soo bandhigay Qiimayaha Ciyaartoy kastaa ka joogo Suuqa Kubadda Qaaradda Yurub, ayaa lagu saleeyo dhowr qodob oo qiimayntani ka duulayso, kuwaas oo kala ah Da’da ciyaartoyga, wakhtiga ka hadhsan heshiiska uu kooxda kula jiro, heerka uu gaadhsiisan yahya qaab-ciyaareedkiisu iyo koobabka uu la qaaday Kooxdiisa.

meziXiddigga reer Argentina ee u ciyaara kooxda Barcelona, ayaa kaalinta hore ka jira qiimayntan, waxaanay cilmi-baadhistani ku qiimaysa inuu suuqa adduunka ka yahay lacag gaadhaysa 207 Milyan oo Pound, halka kaalint labaad uu kaga jiro weerar yahanka kooxda Chelsea ee Eden Hazard oo lagu qiimeeyey inta u dhaxaysa 99 ilaa 110 milyan oo Gini.

Shaxdan hoose kaga bogo liiska xiddigaha Adduunka iyo Qiimaynta lagu sameeyey

qiimayn