Ahmiyadda koowaad waa in shirka Xisbiga Kulmiye dhaco, maaha cidda la dooranaayo – W/Q: Cabdilaahi Xasan

Cabdilaahi-John2Waxaa mahadaasi iyo dadaalkaasi iska lahaa shacabka reer Somaliland ee guud iyo intii wakhtigoodda, maalkoodda iyo maskaxdoodda u hibeeyey Xisbigga iyo siddii uu u gaadhi lahaa hadafkiisa iyo himiladda uu hiigsanaayey oo ku midho dhalay dadaalkii iyo doorkii halyeyo badan oo qof walba halkiisa aan maanta hanbalyo ugu diraayo, mid weli nala socda iyo mid nagga haydhayba, waayo siyaasadda ayaa iska leh danno joogtaa oo ka reeban colaad joogtaa sidda dadka qaar u fahansanyahiin badiba.

Culimadda Sayniska ee dhinaca Siyaasadda ayaa ku sifeeyey in siyaasiggu yahay kuwa isuggu dhow had iyo jeer, inkasta oo Muxaafid iyo Mucaarid laysagga soo horjeeddo oo laysku garba gorayeynaayo halka halka xiriirtu taallo, tartan hosanna ka jiro asxaabta dhexdeedda oo xalaalla. Halkaasi haddii aan sii iftiimiyo raggii shalay aanu wadda jirey berinna waanu wadda Jiri doonnaa oo isku jaal ayaanu noqon doonnaa mustaqbalka Siyaasadeed ee hayeenkeeddu maalinba meel taaganyahay, markaa waa in ummadda si weyn loo xanaaneeyaa, si loogga helo taageeradda iyo kalsoonidda lagu gaadhaayo guusha iyo goobta hadba aan socodka ku tegeyno ee hogaanka dalka oo qof weliba xaq u leeyahay, Cabdiraxmaan Cirro, Faysal Cali Waraabe iyo kuwa Kulmiyaba cid uga dhowinna ayna jirin kursigga ee lays dheeryahay oo qudha dadaal, dad la dhaqan iyo abaabulka bulshadda reer Somaliland lagu kasbanaayo oo ah xirfad barasho u baahan, horseedna ay u tahay hayinnimo iyo dhaqis ummadda lagu dhaqaayo dastuurka iyo sharciyadda aan dhiganay oo lagu ilaaliyo ummaddu in ayna dhinacna uga deign jidkaasi cad ee aan cagta saaray ama xeerka iyo qaynuunka ka leenahay.

Hadaba, ahmiyadda koowaad halkan maanta maha cidda la dooranaayo ee waa inuu dhaco shirkii Golaha dhexe ee Xisbigga Kulmiye si masuuliyad iyo maamul hufan ku dhisan oo si waddajira looggu wadda mideysanyahay suuragelinta iyo samaanta bilan ee hawshaasi iyo qabsoomideedda, waayo halkan ma jiraan wax la kala jiidanaayo iyo cid si gaara loogu raranyahay midna ee waa dan qaran iyo daryeelka hawlaha Qaran oo ilaalintooddu taxader iyo fiiragaara loogga baahanyahay hadba kuwa gacanta ku haya ee jihaynaaya qaab fulineedka iyo adkaynta Xisbigga iyo Xukumadda oo isku soohan ayaa halkii xaajaddu leedahay siddii Xisbigani dhaqanka iyo hidaha u lahaa ee uu kagga duwanyahay asxaabta kale oo ixtiraam iyo qaderin weyn ku dhisan.

Koley yu,ashadda dadka qaarkiis ee Kulmiye iyo shirkiisa wey badantahay oo same iyo xumaba wey leedahay, laakiin waxaa loogga baahanyahay Gudidda qabanqaabadda iyo ashqaasta hanka musharaxnimo leh in masuuliyad weyn layska saaro qaabka iyo nidaamka hawlaha loo gudda gelaayo oo la midda kuwii aan amuuraha ku xalisan jirey marka aynu soo gaadho xaaladan oo kale, isla markaasinna aan ku kala saari jirey musharaxiinta qaab gacan taagga oo xalaalla, iyaddoo lagga duulaayo qodobo iyo qaynuun asaasiya oo danta iyo xeerka Xisbigga aan marnaba baal marsanayn ama dhaawac gaadhsiinayn, isla markaasina si walaaltinimo iyo lexejeclo ku dhisan hibadda iyo hadyadda laysuggu daraayo ninkii Xisbigga wax ku soo kordhinaaya ee caynka iyo baydda u jiidaaya guuritaanka aynu u baahanahay iyo halka aynu rabno in shacabka ama Qaranka aan ku furayno.

Danta waa mid keliyaata oo waa midda Xisbigga oo lagga hor marinaayo midda gaarkaa ee shaqsinimo oo qof walba waajibaad weyni ka saaranyahay siddii nafta looggu xakamayn lahaa xayndaabka sharciyadeed oo aad mahiim u ah in si qaangaadhnimo ku dhisan loo meel mariyo qabashadda shirka iyo xulashadda qofka ugu haboon ee Xisbigga uu ku aaminaayo danta caamkaa ee shuraakadda lagu wadda yahay oo loo fulin doonno heerka uu dhigaayo dastuurka Xisbiggu.

Daasadaha iyo durbaanadda sifaha khaldan loo tumayaa ma noqon doonaan kuwo jidka saxddaa ka leexiya Xisbigan Kulmiye, isla markaasinna kala tuhun geliyo taageerayaasha iyo madaxda Xisbigga oo tanaasul iyo isku tashi weyn caaddo iyo dhaqan u leeyahiin, ay kagga duwanyahiin asxaabta kale ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa madasha shirka aan la tegeynaa waa xeer iyo xalaal ay go,aaminayso farta ergadda shirweynaha oo ah 400 iyo xubinta dheeriggaa oo ah aabaha iyo unkahii Xisbigga Mudane/madaxweyne Axmed Siilaanyo. Hadaba, waajibaadka iyo ahmiyadda ugu weyni waxay tahay qabsoomidda shirka Golaha dhexe iyo in si cadaaladda wax looggu doorto goobtaasi, taasi oo ah habdhaqanka Xisbiggan Kulmiye uu leeyahay had iyo jeer, manna jiraan walaac iyo welwel amuurtaasi ay leedahay oo manta muuqanaaya.

Cabdilahi Cali Xassan John
Xoghayaha Saxaafadda ee Kulmiye E Forum
Liverpool
UK