“Agaasimaha Wasaaradda Daakhiligu Been Buu Sheegay”Cabdikariim Axmed Mooge

Madaxda aduunka ee damiirka lihina marka ay been sheegaan wey iscasilaan walow anan damiirkaa ka filan rag Somaliland jooga. Omar aiydid anaa gadhigayga ku siday quraacdii ilaa qabashadiisi wax fal danbiyeed ah oo u faraha kula jirayna shacabkayga waan u dharanayaaye walaahibaanay jirin. Waar dadka beenta ka daa ilaa tii Daahir riyaale ayaad la soo taagneyde!!!

Waxaan maqli jiray nin walan tolkii baa u miyir qabee cawa waxaan ku darayaa” DAWLAD WALAN SHACABKEEDA U MIYIR QABEE “ shacabkii wey hadleen iyagoo isku duuban cod dheerna wey ku shegeen in ganacsade Omar Caydid in si sharciga baal marsan loo xidhay markaa dawladeey shacabkaga maqal ama sug inta shacabkuna kula walanayo ama sharciga u soo noqo. kuwa doonayaa in ay Somaliland beenta ku xukumaan, sharcigana cagta hoosteeda dhigaan, ee donayaa in ay wax caadi ah ka dhigaan dulmiga iyo sharci jabinta waa in shacabka Somaliland meel uga soo wada jeestaan.

Waxa la jooga xiligii madaxweynaha aan ixtiraamka weyn u hayaa uu ummada codkeeda maqli lahaa ee ummada ka qaban lahaa kooxdan yar ee siyaasada u taqaan beenta, hanti urursiga, dhago ka qabsiga dhawaaqa shacabka, taas badelkeeda ummada ka soo dhex xulan lahaa koox xoogan, amaano leh oo fahamsan in ay shacabka shaqaale u yihiin.

Agaasimahana waxaan leeyahay aduunyada aad ku faantay ee caro ingiriis siyaasiyeenteedu shacabkooda been uma sheegan haday ka dhacdana ummada xilka wey u soo celiyaane hadii aad in uun aad cashar wanaagsan kala soo noqotay halkaas ummada ka raali gali beenta ama xilkeeda u soo celi.

Xigasho Geeska Afrika