Agaasimaha Wasaarada Duulista iyo Hawada Oo Wasaaradaas ka Difaacay Dhaliilo Uu U Soo Jeediyay Xildhibaan Dheeg

images (4)

Hargeysa(SLpost)-Agaasimaha guud ee wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan, ayaa wasaaradaas ka difaacay eedaymaha uu u soo jeediyay xildhibaan Dheeg.

waxa uu agaasimahu sheegay in dadka deegaanku ay iskood ugu deeqeen dhulkii madaarku u baahnaa, iyaga oo shuruuda ay ku xidheena ahayd in waxii hanti ma guurto ah loo celiyo lacagtii ka gashay, waxaana agaasimuhu uu sidan ku sheegay shir jaraa’id oo uu xafiiskiisa ku qabtay “Dawlada Kuwayt iyada oo ku qanacday tobankii milyan ee ay bixisay waxa lagaga qabtay labada madaar ee waaweyn ayaa ay bixisay shan milyan oo kale, markaas su’aasha meesha taalaa waxa weeye hadii waxii hore aan si fiican loo maamulin oo uu kusuq jiray maxay dawlada Kuwayt shan milyan oo kale ugu deeqday Somaliland, dawlada Kuwayt anaga lacag nooma dhiibto ee furayaasha madaarka ayuunbaa nalagu wareejiyaa, dad khubaro ah oo Suuriyaan iyo Kuwaytiyiin isugu jira ayaa Hargeysa degan iyaga ayaa maamula xisaab celinta sameeya iyo tayada garoonkaba, wasaaradu waxa loo qabnaayo ayuunbay sheegataa.”

Agaasime Cumar oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Dadka ku wareegsanaa madaarka iyaga ayaa iskood uga kacay iyaga oo eegaya muwaadinimada iyo wax wada lahaanshaha, xagaagaas aan idinla hadlaayo waxa madaarka ka soo dagay shan iyo toban kun oo qof, hadaanay madaar caalmiya la helin caasimada ayaa dhibanaanaysa, iyaga ayaa iskood uga kacay hal shardi uunbaanay ku xidheen, waxay sheegeen in waxii hanti ma guurto ah  ka gashay in loo celiyo oo ay ka mid yihiin Guryaha,Baraagaha,Baliyada iyo Beeraha, wasaaradaha beeraha iyo hawlaha guud ayaa qiimeeyay qof kastana lacagtiisa gacanta ayaa laga galiyay, cuqaashooduna waa ay joogeen, mutadawacnimadaas ay sameeyaan dadka deegaanku ayuu xildhibaan Dheegna ku sheegay in la qasbay laakiin Somaliland imika cidna lama qasbo.”