Agaasimaha Kalluumaysiga Oo Ka Warbixiyay Mashruuc Lagu Tayeynayo Kalluunka Dalka Uganda Oo Somaliland Lagu Casuumay

?????????????

Hargeysa, (SLpost)- Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-gurey) ayaa faahfaahin ka bixiyay mashruuc lagu tayeynayo kalluunka oo laga hirgeliyay dalka Uganda, isla markaana lagu casuumay Somaliland.

?????????????
?????????????

Agaasimaha guud oo sharaxayaana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay. “Runtii waxaanu kusoo aragnay dalka Uganda wax cajiib ah, dalkaas oo harada Victoria qayb ku leh, waxaanay qaybtii ay ku lahaayeen ka hirgeliyeen horumar wax ku ool ah oo la ga faa’iidaysan karo oo dhinaca kalluumaysiga ah, waxay sameeyeen oo ay ku dhiirigeliyeen kalluumaystada inay si fiican kalluunka ay soo dabayaan ay u ilaaliyaan, iyagoo ku dhaqmaya habka casriga ah ee kalluumaysiga oo lasoo kalluun wanaagsan oo loo raacay habkii kalluumaysiga ay qabtaan, waana wax cajiib ah, isla markaana loo baahan yahay in Somaliland ay wax ka barato, inaga oo leh bad dheer oo 850 km ah oo khayraad ka buuxo, haddii aynu usoo jeedsano oo awood saarno inaynu kalluunka habayn karno, la inaga iibsan karo, isla markaana dhaqaale fiican aynu ka heli karno, waxaanay hawshaasi u baahan tahay dedaal badan.”

Mashruucaas dalka Uganda ayaa waxa hirgeliyay Midawga Yurub iyo hay’adda OXFORM, waxaana Somaliland oo lagu casuumay uga qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-gurey) iyo hawl-wadeenno ka tirsan wasaaraddaas oo tabobar u jooga dalka Uganda.

Somalilandpost.net