Agaasimaha Hay’adda Sirodonka Mareykanka ee CIA-da Ayaa Sheegay in Daacish Ay Hubkiimiko Ah Haysato

Us(SLpost)-Agaasimaha hay’adda sirodonka Mareykanka ee CIA-da ayaa sheegay in dagaalyahanada kooxda Daacish ee Syria ay isticmaaleen hub kiimikaal ah.

John Brennan ayaa sheegay inay jiraan marxalado dhowr ah oo kooxda argagixisada ay “Adeegsadeen hubka kiimikada”.

Faalooyinkiisa ayaa waxaa laga helay qeyb ka mid wareysi uu siiyey bandhigga TV-ga CBS ee 60 Minutes, oo la baahin doono maalinta axadda.

Brennan ayaa u sheegay tv-ga in kooxdan jihaad doonka ah ay leedahay awood ay ku sameyso gaaska mustard-ka loo yaqaan iyo kalooriinta.Agaasimaha CIA-da ayaa ka digay in Daacish ay isku dayeyso inay hubka kiimikada u iib geyso dalalka reer galbeeda. “Mar kasta waa suurta gal taas” ayuu yiri.