Agaasimaha Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo Beeniyey inuu la safan yahay Maamulka Tigray-ga

 

Geneva (SLpost)- Agaasimaha Guud ee hay’adda Caafimaadka Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay Dr. Tedros Ghebreyesus, ayaa ka jawaabay eedayn loogu jeediyey inuu la safan yahay oo uu taageero dhaqaale siiyo TPFL ee dagaalka kula jirta dowladda Federaalka ee Ethiopia.

Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus oo sannadkii 2017-kii loo doortay inuu hoggaamiyo Hay’adda Caafimaadka Adduunka, ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda Qoomiyadda Tigray ee dalka Ethiopia, isagoo soo qabtay xilalka Wasiirnimo ee wasaaradaha Caafimaadka iyo Arrimaha Dibadda ee dalkaas.

Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Milatariga ee Dalka Ethiopia, ayaa hadal uu warbaahinta dalkaas ka sheegay ku shaaciyey in Dr Tedros la safan yahay oo taageero dhaqaale iyo mid milatariba ku caawiyey Jabhadda TPLF oo dagaal ba’an kula jira dowladda Federaalka ee Ethiopia. Ma jiraan caddeymouu sarkaalkani u adeegsaday eedaymaha uu u jeediyey sarkaalka ugu sarreeya hay’adda Caafimaadka Adduunka.

War-murtiyeed uu Dr Tedros Jimcaha maanta soo saaray, ayuu ku beeniyey jiritaanka warkaas, balse waxa uu sheegay inuu xaaladda dalkiisa Ethiopia ka taagan yahay dhinac kaliya, dhinacaasina yahay dhinaca nabadda iyo in wada-hadal iyo isu-tanaasul lagu soo afjaro xurgufta jirta.

War-murtiyeedka Dr Tedros ka soo saaray xaaladda Ethiopia iyo eedaynta loo jeediyey, ayaa u qornaa sidan:- “Qalbigeygu wuxuu la jiraa waddankayga Itoobiya, waxaana ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada inay ka shaqeeyaan nabadda oo ilaaliyaan badbaadada dadka rayidka ah iyo inay dadka tabaalaysani helaan caafimaad iyo gargaarka bani’aadamnimada.

Waxaan aad uga xumahay wararka sheegaya khasaaraha nafeed iyo dad aad u tiro badan oo barakacay oo magangalyo u doontay wadamada deriska ah. Iyadoo lagu gudo-jiro masiibada caalamiga ah ee Covid-19, waxaan ka sii walaacsanahay saameynta ay ku keenayso caafimaadka.

Anigoo carruur ah baan soo arkay saamayn burbur ee dagaalku leeyahay. Waxaan si cad u xasuustaa dagaalladii iyo khasaarihii ay geysteen. Markii aan weynaaday, waayo-aragnimadaas ayaan u adeegsaday in aan mar walba ka shaqeeyo nabadda, in aan isu keeno dhinacyada dagaallamaya iyo in aan bilaabo wada-hadal aan nabad ku raadinayo.

Taariikhdu waxay la jiirtaa kuwa isku soo dhaweeya dhinacyada ee dagaalka nabad ku baddasha. Waxaan ku biirayaa baaqii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, anigoo ku baaqaya in la qaado tallaabooyin deg deg ah oo lagu dejinayo xiisadaha lana xaqiijiy in xal nabadeed laga gaadho khilaafka.

Waxa I soo gaadhay warar sheegaya in aan dhinacyada is-haya la kala saftay. Tani run maaha oo waxaan rabaa in aan sheego inaan dhinac kaliya ka taaganahay, dhinacaasina waa dhinaca nabadda.” Sidaas ayuu Dr Tedros ku sheegay qoraalka uu kaga hadlay xaaladda dalka Ethiopia iyo eedaymaha loo jeediyey.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net