Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud oo maanta Xilka la wareegay

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda Hawlaha guud, guryaynta iyo gaadiidka Md Axmed Cabdi Xaabsade ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugu kala wareejiyey Agasimahii guud ee hore ee wasaaradaasi iyo Agaasimaha guud ee Cusub ee dhowaan Madaxweynaha JSL soo magacaabay.

Munaasabad maanta ka dhacday xarunta wasaaradda hawlaha guud iyo guryaynta ayna goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiinta  iyo shaqaale-weynaha wasaradda oo xilka loogu kala wareejinayey labada mas’uul ayaa wasiirka wasaaradda Md xaabsade waxa uu si weyn ugaga mahadceliyey  hanaankii wada shaqayneed ee agaasimahii guud ee hore Md shariif Libaax Muuse oo uu ku tilmaamay inuu hadda ka dib noqon doono la taliye wasaaradeed.

Wasiirku waxa uu wasaaradda ku soo dhoweeyey agaasimaha guud ee cusub Md Xuseen Xaaji Axmed Qulumbe oo uu wasiirku kula dardaarmay miisaanka ay leedhahay waajibaadka shaqo ee sugaya, ilaahayna uu uga baryey inuu gudashada xilkiisa la garab galo.

Agaasimahii guud ee hore Md Libaax oo munaasabadda ka hadlay waxa uu warbixin ka soo jeediyey shaqada wasaaradda iyo waajibaadka ay qaranka ugu xilsaaran tahay, waxuuna ballanqaaday inuu wasaaradda la sii shaqayn doono, halka sidoo kalena uu xafiiska ku soo dhoweeyey agaasimaha guud ee cusub ee wasaaradda hawlaha guud.

Gebagebadii munaasabadaasi oo sidoo kale uu balanqaad ku saabsan inay la shaqayn doonaan agaasimaha guud ee cusub  ka soo jeediyey agaasimaha maamulka iyo shaqaalaha ee wasaaradda hawlaha guud Md yuusuf Siciid Axmed ayaa wasiirka wasaaradda Md Axmed cabdi Xaabsade waxa uu si rasmi ah xilkii ugu kala wareejiyey Agaasimahii guud ee hore ee wasaaradda Md shariif Libaax Muuse iyo Agaasimaha guud ee cusub Md Xuseen Xaaji Axmed Quluumbe.

SomalilandPost.net