Agaasimaha Guud ee Warfaafinta oo Shaqada ka joojiyey Sarkaal uu Hanti-dhowrku ku fashilmay inuu ku Caddeeyo Eedo Musuq oo loo haystay

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, ayaa Shaqada kaga joojiyey Agaasimihii maamulka iyo Lacagta ee Telefishanka Qaranka oo Xasan Maxamed Maxamuud oo horaantii bishan Maxakamadda gobolka Hargeysa ku weyday eedo musuq-maasuq oo hanti-dhowraha Qaranku xabsiga ugu taxaabay.

Agaasimaha Guud ee Warfaafinta oo maalintii Khamiistii soo saaray warqad uu shaqada kaga joojinayo masuulkan xilliwasiirkii wasaaraddaasi dalka ka maqan yahay, ayaa ku wargeliyey taliyaha Ciidanka Ilaalada Xarunta Wasaaradda inaanu xayndaabka wasaaradda soo geli karin ilaa inta laga soo saarayo go’aan dambe.

Amarka Agaasimaha Guud shaqada kaga joojiyey Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta Telefishanka Qaranka, waxa uu ku sheegay in Hanti-dhowraha Qaranka masuuliyiinta Warfaafinta ka codsadeen inay shaqada ka joojiyaan. Waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan: “Taliye, waxaan halkan kugula socodsiinayaa in aanu xerada wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta soo geli karin Xasan Maxamed Maxamud oo ahaa Agaasimihii Maamulka iyo Xisaabaadka balse inta baadhista Hanti dhawrku ay socoto laga joojiyay shaqada uu ka hayay wasaaradda, isla markaana ay codsadeen hanti dhawrku in aanu soo shaqo tegin.

Sidaasi darteed, anagoo tixgelinayna shaqada madaxa banaan ee Hanti-dhawrka Dawladda, waxaan ku farayaa in shaqaalahaasi aanu soo geli karin Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ilaa amar danbe laga soo saarayo arrintiisa.”

Xasan Maxamed Maxamuud ayaa daba-yaaqada bishii hore Hanti-dhowrka Guud ee Qaranku u xabbiseen Eedo musuq-maasuq oo loo soo jeediyey, waxaana markii uu xidhnaa muddo afar maalmood ah xorriyaddiisa u soo celisay maxkamadda Gobolka Hargeysa ka dib markii masuuliyiinta hanti-dhowrka qaranku ku fashilmeen inay caddaymo buuxda oo kiiskiisa la xidhiidha hor-geeyaan maxkamadda.

Amarka uu Agaasimaha Guud shaqada kaga joojiyey Sarkaalkan ayaa ku soo beegantay xili uu Wasiirka warfaafinta Md. Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) uu ku maqan yahay socdaal dalka dibadiisa ah oo uu ku tagay dalalka koonfurta Suudaan iyo Itoobiya, lamina garanayo sababaha xilligan ku soo beegay go’aankan maadaama hanti-dhowraha Guud hore ugu fashilmay inuu Maxkamadda gobolka Hargeysa soo hordhigo caddaymo muujinaya Eedaha Musuq-maasuq ee loo jeediyey.