Agaasimaha Guud ee Warfaafinta oo Ballan-qaad u sameeyey Shaqaalaha iyo Madaxda Wasaaraddaas

 

Agaasime Maxamed Yuusuf oo ka warramay Wax-qabadkii uu Wasaaradda Tamarta ku soo kordhiyey iyo Qorsheyaasha Wax-qabad ee Wasaaradda uu xilkeeda maanta la wareegay

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee dhawaan loo magacaabay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta ee Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa maanta xilka kala wareegay, sidoo kale xilka ku wareejiyey Agaasimihii hore ee Wasaaraddaas Mukhtaar Maxamed Cali oo loo mgacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo Agaasimaha laga beddelay.

Munaasibadda Xil-wareejinta labada masuul  oo ahayd xaflad is-barkan oo labada masuul xilalka kula kala wareegeen, ayaa ku qabsoontay xarunta Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, waxaaana goob-joog ka ahaa oo ka qayb-galay Wasiir ku-xigeenka warfaafinta, Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha gaadiidka iyo gaashaandhiga, guddoomiyaha hay’adda maamul wanaaga, Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Maroodi-jeex, Maayar ku xigeenka Caasimadda Hargeysa. shaqaale weynaha Wasaaradda iyo marti-sharaf kale.

Agaasime Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa halkaas ka jeediyey khudbad isugu jirta Wax-qabadkii u qabsoomay muddadii uu joogay wasaaradda Tamarta, Wax-qabadka u qorshaysan inuu ku soo kordhiyo wasaaradda Wafaafinta iyo weedho mahad-celin ah oo uu u jeediyey Madaxweynaha iyo masuuliyiintii uu la soo shaqeeyey.

Agaasime Maxamed Yuusuf, waxa uu ka xogwaramay waxqabadkii u qabsoomay muddadii uu agaasimaha guud ka ahaa wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, isaga oo tilmaamay inay waxqabad ballaadhan ay ku talaabsadeen intii uu xilkaas hayey, wuxuuna u mahadceliyey mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda macdanta iyo Tamarta oo uu xusay inay si wanaagsan ula shaqeeyeen.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud waxa uu mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ee uu hada Agaasimaha Guud ka yahay u ballanqaaday inuu ku maamuli doono caddaalad iyo sinnaan.

Waxaanu Muuqaalka Hoose idiinku soo gudbinaynaa nuxurka Khudbaddii uu Agaasimaha Guud ee Wafaafintu ka jeediyey madashii uu maanta xilka kula wareegay.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net