Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oo Xilkii La Wareegay

 

Hargeysa(SLpost)-Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda arrimaha dibada somaliland Cabdiraxmaan Maxamuud Abdeeq  ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay agaasimihii hore ee wasaaradaasi Maxamed Xasan Siciid.
Munaasibad aad loo muuneeyay ayay labada Masuul xilalka kula kala wareegeen, waxaana ka soo qayb galay Wasiirka arrimaha dibada, wasiir xigeenka, shaqaalaha wasaarada, masuuliyiin iyo dadweyne kale.

Agaasimihii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Maxamed Xasan Siciid oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaa  uu xilkan madaxweynuhu ii magacaabey 2013 bishii July waxaana ay aheyd shaqadii saddexaad ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyada somaliland  ii magacaabo  mudadii ay xukuumadani jirtey  runtiina xilalkaas la ii magacaabey waxaa ay aheyn qaar la igala tashadey oo aan wax badan ka ogaa  inta badanna dalab aan anigu dalbadey ku yimid”

“Maanta xilkan aan wareejinaayo waa xil aan anigu gartey in aan wareejiyo  mudana aan ku  hawlanaana in xilkan cidii qaban laheyd ee hanan laheyd aniga dabaday  loo soo magacaabo   dhawr jeerna madaxweynaha aan u gudbiyey istiqaaladeed  waxanan maanta ku faraxsanahay in xalkii loo soo magacaabo Cabdiraxmaan Maxamuud Abdeeq  oo aan is  leeyahay waa  masuul hanan kara shaqadan  waxaanan leeyahay ku soo dhawoow” Ayuu Yidhi Agaasimihii Hore ee Wasaarada Arimaha Dibada  Somaliland Mudane Maxamed  Siciid Xassan

Sidoo kale waxaa isna dhinaciisa Hadalo kooban ka yidhi agaasimaha cusub ee loo soo magacaabey wasaaraddaasi mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Abdeeq   waxaana uu yidhi “ Marka hore  waxaa mahadda iska leh madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo oo gartey in uu xilkan ii magacaabo xukuumaddan waxaan odhan karaa waa xukuumaddii dhalinyarada waxaana aad ka garan kartaa waxaa xilka igu wareejinaya nin dhalinyaro ah waxaana la wareegaya aniga oo ah nin dhalin yaro ah”

“Runtii waxaan ku da daali doona sidii aan uga soo bixi lahaa xilkan la ii magacaabey waxaana  shaqaalaha wasaardan shaqo wacan  baan idiin rajeynayaa” ayuu yidhi agaasimaha cusub ee  loo magacaabay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Muddane Cabdiraxmaan Maxamuud Abdeeq  .

Gabogabadii wasiirka wasaaradda arrimaha dibada somaliland Maxamed Biixi yoonis ayaa madasha ka jeediyey hadallo kooban waxaanna uu yidhi  “ Waxaannu aad iyo aad u soo dhaweynaynaa Cabdiraxmaan Ab Deeq  Agaasimaha cusub ee wasaaraddan loo soo magacaabay  waxaana sidoo kale si kalgacayl ah aannu u sii sagootinaynaa  Maxamed  Xasan Siciid oo aad iyo aad  noola shaqeeyey  runtiina   Maxamed Isaga ayaa talada goostey in uu shaqada ka tago  istiqaaladiisii mar hore ayuu dhiibey  aniga iyo madaxweynaha ayuu noo dhiibey  balse waxaa aannu ka codsanay in uu  in yar nala sii joogo  aad iyo aadna waan kugu mahad naqaynaa in aad naga ajiibtey  oo aad arinkaas aan kula nimid aad naga aqbashey  maantana aad iyo aad baannu ugu faraxsanahay in uu  badelkiisii oo cabdiraxmaan ahi nala joogo waxaana aanu leenahay soo dhawoow cabdiraxmaan “ ayuu yidhi wasiirka wasaarada arimaha dibada somaliland Maxamed Biixi Yoonis

Ugu danbeyntii wasiirka wasaarada arimaha dibada somaliland ayaa waxaa uu si rasmo ah xilalka ugu kala wareejiyey agaasimaha cusub ee wasaarada arimaha dibada iyo agaasimihii hore .